GUDOOMIYE JAMAC OO VILLA HARGEYSA KULA SHIRAY GUDIGA JOOGTADA AH.
(MUUQAALKA)-GUD.JAMAC.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka furay ayaa Xubnaha guddiga warbixin guud ka siiyey shir uu la yeeshay Guddi Xildhibaanno ah oo wakiil ka ah Xildhibaannada Mucaaradka, dhambaalo hambalyo ah oo uu ka helay guddoomiyaasha baarlamaanada dalalka caalamka, hay’ado iyo ururo caalami ah iyo sidoo kale guud ahaan howlaha golaha. Intaasi ka dib, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee guddiga la wadaagay warbixinta iyo hindise sharciyeedyada horyaala guddiyada golaha ee maray Akhrimaha kala duwan, waxaana sidoo kale xubnaha guddoonka guddiyada laga dhageystay warbixin ku saabsan shuruucda ay gacanta ku haayaan, marxaladaha ay marayaan iyo sidoo kale wakhtiga ay hor geynaayaan kulamada gole weynaha. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga joogtada in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka Golaha, si uu golaha u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, wuxuuna balan qaaday in goluhu ku hogaamin doono si waafaqsan xeerhoosaadka iyo shuruucda kale ee golaha u degsan.
ISHA-SNTV.