GUDOOMIYE ADEN MADOOBE OO AMSHRUUC CEEL BIYOOD AH KA HIRGELIYEY XUDUR.

(SAWIRKA)-GUD.ADEN MADOOBE IYO WASIIR ELAAY.

(XUDUR)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Gobolka Bakool ee Xudur ayaa sheegaayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu dhegax dhigay Mashruuc Ceelal Biyood looga hirgelinaayo Magaaladda Xudur iyo deegaanadda kale ee Gobolka Bakool. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmadda Xudur isla markaana si rasmi ah u dhegax dhigay Mashruucan ceelka lagu qodayo ayaa sheegay in Mashruucan uu qeyb ka yahay Mashaariic Horumarineed oo laga hirgelinayo deegaanadda Gobolka oo dhan. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Mashruuca Ceelka Riiga ah looga qodayo Magaaladda Xudur uu isaga si gaar ah u hirgelinayo ayaa sheegay inuu ugu talo galay in dadka deegaanka ay ka faa’ideystaan, islamarkaana uu wax badan ka tari doono baahida dhinaca biyaha ah ee shacabka ku nool Magaaladda Xudur. Qodista Ceelka Riiga ah ee laga hirgelinayo Magaaladda Xudur ayaa maalmaha soo socda si rasmi ah u bilaaban doonta, waxa ayna noqon doontaa talaabo ay ka faa’ideysan doonaan dadka ku nool Magaaladda Xudur. Waa wax aad u wanaagsan in qofka Masuulka ah uu u istaago horumarinta degaanadda laga soo doorto sida uu haddaba sameeyey Gudoomiye Sheekh Aden Madoobe,waayo waxaa jira rag badan oo xilal kala duwan ka haayo DFS allane uu siiyey dhaqaale ku filan hadane aan hoos u dhugan degaanadii ey asal ahaan ka soo jeedaan,waane wax laga fiican yahay in degaankaada aad ka warqabi weysid.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO URURKA ASEAN OO HESHIIS KALA SAXIIXDAY.

Next
Next

JARMALKA OO XARUMO CUSUB U SAMEYSTAY DADKA UU TARXIILAAYO.