GUDOOMIYAHA GUDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA OO KA HADLAY….

(SAWIRKA)-GUD.C/KARIM.

(MUQDISHO)-Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa Isniin maanta ah gaaray magaalada Baydhabo ee ah caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga oo hogaaminaya wafdi u xil saaran diyaar-garowga doorashooyinka dadweynaha ee ka dhici doona Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Safarkan ayaa ka dambeeya qorshayaasha Guddiga Doorashooyinka ee ku aaddan hirgelinta doorashooyinka tooska ah ee Qof iyo Cod, kuwaas oo qayb ka ah nidaamka doorashooyinka cusub ee dalka. Wafdigan ayaa Garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud Airport ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socday maamulka Gobolka Bay iyo degmada Baydhabo, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen saraakiil heer gobol iyo degmada ah. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in doorashooyinka Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed iyo tan Golaha Deegaanka 11-degmo oo kala ah Baydhabo, Baraawe, Marka,Afgooye, Wanle Weyn, B/Hakaba, Waajid, Bardaale, Qansax-dheere, Diinsoor iyo Xudur,waxa eyna doorashada kadhici doontaa 28-ka bisha Abriil, taasoo ka dhigan in muddo 45-maalmood gudahood ah gobolka uu yeelan doono Madaxweyne iyo xildhibaan ay dadweynuhu si toos ah u doorteen. Waxa uu tilmaamay in doorashooyinkan ay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo ka qaybgalka dadweynaha iyo horumarinta dimuqraadiyadda ee Koonfur Galbeed. Inta uu joogo Baydhabo, guddigu wuxuu la yeelan doonaa kulamo wadatashi ah oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiinta deegaanka, wakiilada bulshada, hoggaamiyeyaasha dhaqanka, iyo daneeyayaasha kale ee gobolka. Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa: Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ku adkeeyay in taageerada bulshada iyo mas’uuliyiinta gobolka ay tahay mid lagama maarmaan u ah guusha doorashooyinka, ayna horseedi doonto in Koonfur Galbeed noqdo tusaale wanaagsan oo ku saabsan hirgelinta nidaamka qof iyo cod ee dalka. Xalay Magaalada Baydhabo Madaxweynaha oo khudbad uu ka jeediyey munaasabadda ku faahfaahiyey qorshaha Dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah ayaa tilmaamay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu noqon doono deegaanka ugu horreeya ee dalka laga hirgeliyo doorashooyinka Qof iyo Cod, isaga oo xusay in dowladda ay ka go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashooyinka tooska ah.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

MW.XASAN SHEEKH MAXAMUD OO BAYDHABO UGA QEYBGALAY MUNAASABAD….

Next
Next

XUUTIYIINTA YEMEN OO U HANJABAY SOOMAALILAND.