GUDOOMIYAHA GUDIGA DOORASHOOYINKA KGS YAA LOO MAGACAABAY?
(SAWIRKA)-GUDOMIYAH GUDIGA KGS.
(MUQDISHO)-Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shalay oo Axad ahayd uu si rasmi ah ugu magacaabay Cabdiraxman Abuukar Maxamed inuu noqdo Madaxa Xafiiska Guddiga Doorashooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Magacaabistan ayaa si deg deg ah u dhalisay dood ku saabsan dhexdhexaadnimada geeddi-socodka doorashooyinka, maadaama Cabdiraxman uu ka tirsan yahay Xisbiga uu Hogaamiyo Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sheekh Maxamud ee JSP, isla markaana uu hore uga soo qabtay xilal muhiim ah gudaha Xisbigaas. Sidoo kale, wuxuu ka mid yahay Shaqaalaha Rayidka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya tan iyo sanadkii 2022. Arrintan waxay si toos ah u taabaneysaa mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo dhisaya in guddiyada doorashooyinka ay noqdaan Hay’ado Madax-bannaan oo aan ku xirneyn Xisbiyo siyaasadeed ama Hay’adaha fulinta dowladda. Cabdiraxman Abuukar Maxamed wuxuu ka soo qabtay Xisbiga JSP xilal muhiim ah oo muujinaya inuu si dhow uga dhex shaqeeyay nidaamka Xisbiga. Waxa uu ahaa: Diiwaan-haye (Registrar) door uu ku lahaa ayaa ah habeynta iyo diiwaangelinta xogta xubnaha Xisbiga. Guddoomiyaha guddiga xulista musharrixiinta JSP ee Gobolka Banaadir taasoo ka dhigan inuu si toos ah ugu lug lahaa doorashada iyo kala saarista xubnaha Xisbiga ee u tartamaya golaha deegaanka. Xilalkan waxay caddeynayaan in uusan ahayn xubno caadi ah oo kaliya, balse uu ka mid ahaa dadka go’aannada muhiimka ah saameeya gudaha Xisbiga. Taasi ayaana sabab u ah doodda ka dhalatay magacaabistiisa, maadaama waayo-aragnimadiisa siyaasadeed ay si toos ah ula xiriirto Xisbi gaar ah. Sharciga lagu dhisay guddiyada doorashooyinka wuxuu ku saleysan yahay saddex tiir oo waa-weyn: (1)-Madax-bannaani. (2)-Hufnaan, iyo (3)-Kalsooni dadweyne. Marka mid ka mid ah tiirarkaas la jebiyo, gaar ahaan dhexdhexaadnimada, waxaa si toos ah u burburaayo kalsoonidii lagu qabay geeddi-socodka doorashooyinka. Magacaabistan waxay fariin cad u direysaa Dhinacyada Siyaasadda ee isku haayo Dawlad Goboleedka KGS in Gudoomiyaha guddigu uusan marnaba ahayn Garsoore dhexdhexaad ah, balse uu galay goob ay ka muuqato Eex iyo dhinac u janjeerin. Reer KGS ma Aqbali doonaan Gudoomiyahan?
ISHA-GJ.