GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO MAANTA LA DOORANAYO.

(MUUQAALKA)-MUSHARAXIINTA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u fadhiya doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha, kaddib markii xilka uu bannaanaaday bilo ka hor. Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya laba musharrax oo kala ah Cabdulkadir Maxamed Nuur “Jaamac” iyo Cabdulkadir Cumar Macallin “Daada”, kuwaas oo labaduba helay shahaadooyinka musharraxnimo, sida uu sheegay Guddiga  doorashadu. Xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bannaanaaday kaddib markii Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Tan iyo 20-kii Juun, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacadiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa xilkan si kumeelgaarka ah u sii haysay. Labada musharrax ayaa olole xooggan sameeyay, iyadoo doorashadan ay ku soo beegantay xilli siyaasadda Soomaaliya ay marayso marxalad xasaasi ah, gaar ahaan doodaha ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka, nidaamka doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka. Doorashada ayaa ka socota xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, waxaana la filayaa in xildhibaannadu ay codkooda si qarsoodi ah ugu dhiibtaan labada musharrax. Musharraxa hela codadka ugu badan ee waafaqsan xeerarka doorashada ayaa noqonaya guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu hayaa xil muhiim ah oo ka mid ah hay’adaha ugu sarreeya dowladda Federaalka, maadaama uu hoggaamiyo aqalka hoose ee Baarlamaanka, isla markaana uu door weyn ku leeyahay hagidda howlaha sharci-dejinta iyo ajandayaasha baarlamaanka. Natiijada doorashada ayaa si weyn loo sugayaa, iyadoo ay tahay mid saamayn ku yeelan karta jihada siyaasadeed ee Baarlamaanka iyo xiriirka u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya.

XIGASHO-GJ.

Previous
Previous

CIIDAMADA ITOBIYA EE AUSSOM OO FAARUJIYEY B/HAKABA.

Next
Next

ISRAEL OO SHEEGTAY INEY SII XOOJIN DOONTO XIRIIRKA SOMALILAND.