GUD.MUUNGAAB OO BUKAAN KU BOOQDAY DIGFEER.
(SAWIRKA)-ISBITAALKA DIGFEER.
(MUQDISHO)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta Isbitaalka Erdogan ee Ex Digfeer ku booqday qoys Soomaaliyeed oo dhaawacyo halis ka soo gaaray dab seddexdii Bishan ka kacay guri ay daganaayeen oo ku yaalla degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir, kaasi oo sababay geerida hal qof, iyo dhaawaca 11 qof oo kale, oo ay qaar ka mid ah xaaladooda halis tahay. Intii uu booqashada ku guda jiray, Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay maamulka sare ee isbitaalka lagu daryeelayo bukaanandaasi, dhaqaatiirta gacanta ku haysa, iyo aabaha qoyska ay masiibadu saameysay. Waxa uu Agaasimaha Isbitaalka Digfeer Maxamed Xuseen Ashraf ka dhageystay warbixin dhammaystiran oo la xiriirta xaaladda caafimaad, heerka daryeelka socda, iyo baahiyaha degdegga ah ee xubnaha qoyska. Waxa uuna Maamulka Gobolka Banaadir qoyskan u fidiyey taakulo caafimaad iyo garab-istaag buuxa, iyada oo la tixgelinayo in qaar ka mid ah dhaawacyada loo qorsheeyay in dibadda loogu qaado daryeel caafimaad oo dheeraad ah. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulka gobolka uu si buuxda ula socon doono xaaladda qoyska, isla markaana uu sii wadi doono taageerada ma-huraanka ah ee ay u baahan yihiin. Booqashada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho waxaa ku weheliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta, Mudane Xuseen Axmed Culusow iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
XIGASHO-TV-GA G/BANADIR.