GUDIGA GURMAD QARAN OO KA SHIRAY QARAXII XEEBTA LIIDO.
(SAWIRKA)-GUDIGA GURMADKA QARAN.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda XFS Md.Faarax Sheekh C/qaadir uu maanta shir gudoomiyey shir gaar ah oo ey yeesheen Gudiga Gurmad Qaran kaaso ka dhacay Xarunta Hayadda Maareynta Musiibooyinka. Kulankaan ayaa waxa goob joog ka ahaay Wasiiradda Waxbarashadda Md.Faarax C/qaadir, Caafimaadka Dr.Cali Xaaji,Wasiirul Dawlaha Xafiiska Reysal Wasaaraha Xirsi Gaani, Gudoomiyaha Hayadda Maareynta musiibooyinka Md.Maxamuud Macallin Cabdulle iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda. Shirkaan ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa khasaaraha guud xasuuqii Khawaarijta ey ka gaysatay Xeebta Liido si guud dadka ey dhaawacyadu soo gaareen ee ku kala jira isbitaaladda kala duwan ee caasimadda Muqdisho,waxyaabaha kale ee kulakaan looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaay in dhawwacyadda kuwooda daran dalka dibaddiisa loo qaado iyo in loo bandhigo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Ganacsatadda sidii ey cawin lahaayeen eheladda dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ee weli yaallo isbitaaladda Muqdisho.
ISHA/SNTV.