GUDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA OO SOO SAARAY JADWALKA DOORASHOOYINKA.

(SAWIRKA)-GUD.C/KARIIM.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka ka dhici doona qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka, oo ay ka mid yihiin Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed. War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in doorashooyin isku xiran lagu qaban doono Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug, iyadoo la doonayo in la mideeyo hanaanka doorashada ee dowlad-goboleedyadaas. Guddigu wuxuu sheegay in 28-ka Abriil 2026 la qaban doono doorashada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo diyaargarowga doorashadaas uu horey u socday. Sidoo kale, Guddigu ayaa shaaciyay in Doorashooyinka maamuladda Galmudug iyo Hirshabelle si wadajir ah loo qaban doono taariikhdu marka ey tahay 13-ka May 2026. Doorashooyinkan ayaa lagu wadaa in isla maalintaas lagu doorto Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka ee labada maamul. Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in Doorashada Goleyaasha deegaanka ee Maamulka cusub ee Waqooyi Bari ay dhici doonto 9-ka Juun 2026. Doorashooyinkan ayaa la filayaa in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee si rasmi ah uga qabsooma Galmudug iyo Hirshabelle iyadoo lagu saleynayo hannaanka cusub ee doorashooyinka. Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinkan ayaa horey u wajahday dhaliilo siyaasadeed, iyadoo qaar ka mid ah mucaaradka ay hore u diideen habka loo wajahayo doorashooyinka deegaanka, taasoo muujinaysa in weli ay jiraan caqabado siyaasadeed oo ku xeeran hirgelinta hanaanka doorashooyinka dalka.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

URUKA ISKAASHIGA ISLAAMKA OO CAMBAAREEYEY ISRAEL.

Next
Next

WARBAAHINTA DALKA TURKIGA OO KA HADASHAY KULANKA LABADA MADAXWEYNE EE SOOMAALIYA IYO TURKIGA.