GUD.AMIIR OO BOOQDAY GOLAHA SHACABKA BJFS.

(SAWIRKA)-ADEN MADOOBE IYO GUD.AMIIR.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Aden Maxamed Nuur(Aden Madoobe) uu Xafiiskiisa kulan kula qaatay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir isla markaasne ah Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Maxamed Axmed Amiir. Gudoomiye Aden Madoobe ayaa marka hore waxa uu u hambalyeeyey Gudoomiyaha Cusub waxa uuna kula dardaarmay inuu xooga saaro sidii shacabka Caasimmadda Muqdisho ey u heli lahaayeen adeegyadda ey xaqa u leeyihiin oo Dawaladda uga baahan yihiin. Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ee BJFS Md.C/raxmaan Maxamed C/lle Jaabiri,waxa uu Gudoomiye Amiir uga mahad celiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Md.Aden Madoobe Qaabilaad iyo Hambalyada. Dhinaca kale,Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa, kulanka maanta ayaa lagu Ansixiyey wax ka bedelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaranka ee dhismaha Macahadka Sare ee Tababarada iyo Horumarinta Sharciga oo ey soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS. Kulanka maanta ayaa waxaa shir Gudoominaayey Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre,kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixino kala duwan oo la xiriira horumarka laga sameeyey dhanka Diblomaasiyadda iyo Xiriirka Caalamiga ah,Amniga iyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

(KAMPALA)-SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA…

Next
Next

ITOOBIYAAN U GACANGALAY MAGEFAYAASHA DALKA LIIBIYA.