GUD.ADAN MADOOBE OO LA KULMAY DHIGIISA ALJEERIYA.

(SAWIRKA)-ADEN MADOOBE OO LA KULMAY DHIGIISA ALJEERIYA.

(ALGERIA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Aljeeriya ee AL-jeris ayaa sheegaayo in halkaasi uu kulan ku dhexmaray Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo dhigiisa dalka Aljeeriya Md.Ibrahim Bou-ghali isla markaasne ah Gudoomiyaha Midawga Baarlamaanada Carabta. Ugu horeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Aljeeriya Ibrahim Bou-ghali ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay caasimadda wadanka Aljeeriya iyo ka qeyb galka Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Carabta, waxa uuna sidoo kale soo dhoweeyay wada shaqeynta saadxiibtinimada ku dhisan ee ka dhaxeysa baarlamaanadda Aljeeriya iyo Soomaaliya. Guddoomiyaha Baarlamaanka Aljeeriya ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo habab lagu wanaajin karo wada shaqeynta baarlamaanadda labada dal, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay kaalin weyn oo firfircoon ku leedahay xasiloonida iyo horumarka wadamada Carabta. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn dowladda iyo shacabka Aljeeriya uga mahadceliyay martigelinta shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta iyo soo dhoweynta diiran oo ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa ayaa tilmaamay iney muhiim tahay xoojinta xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya gaar ahaan labada Baarlamaan, waxa uu sidoo kale amaanay doorka dowladda Aljeeriya ee arrimaha Carabta. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in xoojinta xiriirka labada dowladooda gaar ahaan baarlamaanadda Soomaaliya iyo Aljeeriya ay muhiim u tahay isdhaafsiga qibradda iyo waayo aragnimada labada baarlamaan.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

YAA BAAJIYEY SHIRKII GOLAHA WADATASHIGA QARANKA?

Next
Next

SH.ADAN MADOOBE OO KHUDBA KA JEEDIYEY SHIRKA..