GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA OO QORAAL SOO SAARAY.

(SAWIRKA)-GOLAHA MUSTAQBALKA SOMALIYA.

(NAIROBI/KENYA)-Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa uga digay madaxtooyada Soomaaliya tallaabooyinka aan waafaqsanayn Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka, isla markaana khatar ku ah jiritaanka dowladnimada iyo nidaamka federaalka ee Soomaaliya. Golaha ayaa tilmaamay in tallaabooyinkan ay ka mid yihiin ku takrifalka awoodda dowladnimo, wax ka beddelka lagu sameeyay Dastuurka, baabi’inta hay’adaha dastuuriga ah, xarig sharci-darro ah oo lagu hayo muwaadiniin, musuq iyo boob hanti qaran, barakicinta dadka danyarta ah, iyo carqaladeynta isu socodka gudaha dalka iyo duulimaadyada rayidka ah. War murtiyeed uu goluhu soo saaray ayaa lagu caddeeyay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu si buuxda uga soo horjeedo isbeddel kasta oo lagu sameeyo Dastuurka 2012 ee aan waafaqsanayn hannaanka sharciyeed ee lagu heshiiyey. Sidoo kale, goluhu wuxuu ka horyimid muddo kororsi kasta oo ay samaystaan hay’adaha federaalka ee muddo-xileedkoodu gabaabsiga yahay, iyo doorasho kasta oo lagu qabto dalka iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin. Goluhu wuxuu sidoo kale dhaliilay siyaasadeynta iyo carqaladeynta socdaalka gudaha dalka, taas oo uu ku tilmaamay mid lagu adeegsanayo dano gaar ah oo khatar ku ah midnimada iyo wadajirka shacabka. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu ku soo laabto dariiqa dastuurka iyo wadatashiga qaran, si looga hortago firaaq dastuuri iyo mid hoggaamineed oo dalka gelisa qalalaase siyaasadeed, loona xaqiijiyo doorasho daahfuran oo lagu heshiiyey, kuna dhacda waqtigeeda.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

MASAR IYO KENYA MADAXDOODA OO KA WADA HADLAY XAALADDA GEESKA AFRIKA.

Next
Next

GUDIGA DIB U EEGISTA DASTUURKA OO LA SHIRAY GUDOONKA LABADA AQAL.