GOLAHA AMAANKA OO LEYSKU FAAGTAY KULANKII MAANTA.
(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA.
(NEW YORK)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah yeeshay fiidnimadii Sabtida si ay uga wada hadlaan cawaaqib xumada ka dhalan karta hawlgalka milatari ee Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan .
IRAAN OO HANJABTAY:
Safiirka Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa Sabtida ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa'iil inay galeen "dambi dagaal," isagoo sheegay in duqeymahoodu ay bartilmaameedsadeen kaabayaasha bulshada rayidka ayna ku dhinteen in ka badan 100 gabdhood oo iskuul dhiganayay. Amir Saciid Irwani ayaa kulanka ka yiri: "Tirada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa sii kordheysa. Tani ma aha oo kaliya fal gardarro ah, waa dambi dagaal iyo dambi ka dhan ah aadanaha." Waxa uu sidoo kale ku dhawaaqay in saldhigyada iyo hantida Mareykanka ee gobolka ay noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah.
ISRA’IIL OO KA JAWAABTAY:
Taas bedelkeeda, wakiilka Israa'iil, Danny Danon, ayaa ku dooday in barnaamijka Nukliyeerka iyo Gantaalada Iiraan la joojin lahaa. Wuxuu intaas ku daray in nidaamka Iiraan uu khalkhal gelinayo xasilloonida isla markaana uu fidinayo rabshado. Wuxuu sidoo kale aaminsanaa in maamulka Iiraan uu wajahayo cawaaqib xumada ka dhalan karta ficilladiisa, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sidoo kale sheegay in Iiraan aysan ka tagin wax ikhtiyaar macquul ah, isagoo xusay in Israa'iil ay soo afjartay hanjabaadaha Iiraan iyadoo la kaashanaysa Mareykanka.
BAXREYN OO CAMBAAREYSAY:
Dhankiisa, wakiilka Baxrayn ee Golaha, Jamal AL-Ruwayci, ayaa carabka ku adkeeyay in amniga dalalka Khaliijka aan la kala qaybin karin. Bartilmaameedsiga dhulka Baxrayn waxaa loo arkay "fal cadownimo ah" oo aan la aqbali doonin. Wakiilka Baxrayn ayaa sidoo kale ugu baaqay Golaha Ammaanka inuu cambaareeyo weerarrada Iiraan. Waxaa xusid mudan in horumarkan uu yimid ka dib markii Israa'iil iyo Mareykanka ay bilaabeen howlgal militari oo wadajir ah oo ka dhan ah Iiraan horraantii Sabtidii, iyagoo si xooggan u bartilmaameedsaday caasimadda Tehran, iyo sidoo kale meelo kale. Iiraan ayaa ka jawaabtay saldhigyada Mareykanka ee dalalka Khaliijka. Intaa waxaa dheer, Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa loo qorsheeyay inay yeeshaan kulan degdeg ah Axadda si ay uga wada hadlaan horumarkii ugu dambeeyey.
ISHA-AL-CARABIYA.