GEN.GARABEY OO QARAX KA BADBAADAY.

(MOGADISHO-SOMALIA)-Waxa maanta Muqdisho ka dhacay qarax ismidaamin ah uuna sameeyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxo,ismiidamiyaha ayaa rabay inuu dilo Gen.Garabey oo ah madaxa Hogaanka Saadka ee CXDS kaasoo ku sugnaay bar koontarool oo ku taalo KM-4 ee magaaladda Muqdisho.Ismidamiyaha ayaa qabsaday albaabka gaariga Gen.Garabey oo taagnaayey barta koontarool dabadeedna is qarxiyey waane qaabka cusub oo hadda looga fuliyo qaraxyadda magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho balse Gen.Garabey oo saarnaay baabuurka eeysan karin xabadda ayaan wax dhaawac ah eeysan soo gaarin kana badbaaday isku dayga dilka la rabay in loo geysto maanta.Qaraxaan ayaa waxaa ku geeriyooday dad dhan 4-qofood oo isugu jiro askar iyo shacab,waxaane la soo weriyey in askarta wax noqotay yihiin ilaaladii gudoomiyaha degmada Warta Nabadda ee G/Banaadir Zeynab Xaabzey taasoo iyadu sheegtay in dhibaato soo gaartay ilaaladeeda oo iyagu ku sugnaay halka uu ka dhacay qaraxa ismiidaaminta ah,dhinaca kalane,waxaa maanta Tendhada Afisyooni loona maro halku qaraxu ka dhacay maanta ka bilawday hadal jeedinta musharixiinta u tartamaayo xilka madaxweynaha Soomaaliya qeybtoodii koobaad oo dhan labaatan(20) musharax halka eey berri hadal jeedin samayn doonaan sagaal iyo toban(19) musharax,waxane loo balansan yahay 15-ka bishaan Meey-2022-ka ineey dhacdo doorshada madaxweynaha tobanaad ee Soomaaliya.

XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

IRAAN OO XABSIGA DHIGTAY LABA NIN OO REER YURUB AH.

Next
Next

SARKAAL SARE OO TUGRAY AH KUNA DHINTAY XABSI.