GEN.GABRE OO XABSIGA LOO TAXAABAY MAANTA OO ISNIIN AH.

(SAWIRKA)-GEN.GABRE.

(MEKELLE/TIGRAY)-BREAKING NEWS: Wararka laga helaayo caasimadda Mekelle oo Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegaayo in Ciidamada ammaanka ee Tigray ey xireen Sareeye Guuto Guesh Gebre oo ahaa taliyihii hore ee 'Ciidanka Milateriga qaybta 15-aad, sida ay ku warrantay ilo-wareedyo BBC-da ka tirsan. "Ma jirto cid sharciga ka sareysa, waana sababta loo xiray," ayuu yiri taliye sare oo ka tirsan ciidamada milateriga oo BBC-da la hadlay. Sareeye Guuto Gabre ayaa caan ku ah in uu ka horyimaado taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee gobolka kuwaas oo taageeray shirwaynihii guud ee kooxda Ururka TPLF, wuxuuna dalbaday in isbeddal lagu sameeyo maamulka kumeel gaarka ah ee Tigrayga oo uu hogaamiyo Getachew Reda. Gabre oo ka soo horjeeday Taliyeyaasha loo yaqaano "kuwa ciidanka ka sareeya" ayaa shaqada laga joojiyay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii hore. Xafiiska Nabadgelyada iyo Amniga ee gobolka ayaa boggiisa Facebook ku shaaciyay habeenimadii Sabtida in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan xubnaha "ku xad-gudbay anshaxa iyo sharciga." Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay "qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ciidamada" inay ku lug leeyihiin dhaqan aan habboonayn oo xadgudub ku ah sharciga iyo nidaamka milatariga, isagoo aan shaacin magacyadooda. Getachew Reda, ayaa qoraal uu ku qoray boggiisa X waxa uu kaga dhiidhiyay xadhiga Taliyaha. "Ma doonayo in aan wax badan ka sheego Guesh Gebre Matefen, waxaan filayaa in qof walba uu garanayo haybtiisa iyo geesinimadiisa," ayuu yiri, isagoo dib u xusuusanaya inuu sameeyay "mucjisadi" uu sameeyey isaga oo ka hortagayey in ciidamada Tigrayda ay ka quustaan oo ay kala firdhadaan intii uu socday dagaalka. Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka(X) ayaa lagu sheegay sababta Gen.Gabre loo xiray iney tahay: (1)-Iskaashiga Cadawga Tigray. (2)-Wiiqidda Ciidamadda Tigray. (3)-Diidmada Amaradda. Dalka Soomaaliya ayaa si fiican looga yaqaan Gen.Gabre iyo doorkii uu ku lahaay siyaasadda Soomaaliya waqtigii ku meel gaarka, waxa uuna ahaay sarkaalka ugu sareeyo masuuliyiinta Itoobiya ee saameynta ku leh siyaasadda Gudaha ee dalka Soomaaliya, balse hadda wax walba waa ey isbedeleen oo dalka Itoobiya waxaa gacanta ku haayo OROMO waxaane meesha ka baxay Tigray-gii uu maamulka ku beeray Reysal Wasaare Melez Zenawi kaaso bakhtiyey.

Next
Next

GAADIIDLEYDA G/BANADIR OO BANANBAXAY IYO GUD.MUUNGAAB OO KA HADLAY.