(GARAWE): BURCAD BADEED LA SIIYEY MADAX FURASHO.

(SAWIRKA)-BURCAD BADEED SOOMAALIYEED OO LA SOO QABTAY.

(BOSASO-PL)-Bishii Noofembar ee sannadkii tegay 2024-kii ayey ahayd markii Xeebaha Puntland laga afduubay Markab Kallumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha,waxa uuna Markabka u kireysnaay Shirkad laga leeyahay Taywaan taaso kalluunka ka iibisa dalalka Talyaaniga iyo Isbeyn,waxaane dalka Soomaaliya wakiil uga ahaa Ganacsato reer Puntland. Wararka hadda la helaayo ayaa tibaaxo in Markabkii la sii daayey ka dib markii la bixiyey lacag Madax Furasha ah taaso la siiyey kooxdii Burcadda ahayd ee Afduubtay Markabka. Ilo wareedyo lagu kalsoon kuna sugan caasimadda Garawe ee maamulka Goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyey in kooxda wax afduubtay ee burcada ah ey horay u dalbadeen lacag dhan ilaa Toban Milyan oo Doolarka Maraykanka ah($10-Millions) balse markii dambe lagu qanciyey Burcadii iney qaataan laba Milyan oo doolarka Maraykanka ah($2-Millions),waxa eyna sii daayeen Markabkii ey haysteen. Maamulka Puntland ey arrintaan ka dhacday degaankiisa ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdaan dhacday maanta oo Isniin ah. Ma aha markii ugu horeysay oo degaanadda Puntland ey ka dhacaan Afduub loo geysto Maraakiibta marta Xeebaha Bari ee dalka Soomaaliya gaara ahaan Gobolka Bari ee Puntland.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

SIRDOONKA TURKIGA(MIT) OO GACANTA KU DHIGAY KORALI.

Next
Next

PUNTLAND OO SOO QABATAY XISAABIYIHII BURCAD BADEEDII…