GACAN KU DHIIGLAYAAL LA SOO QABTAY.
(SAWIRKA)ASKARTII LA LAAYEY.
(JAWHAR)-Waxa aan la soconaa in maalmo ka hor in degaanka loo yaaqano CEEL-Baraf ee ka tirsan Gobolka Shabeeladda Dhexe lagu dilay askar ka tirsan Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed kuwaaso fasax ka soo qaatay taliskii ey ka tirsanaayeen si ey u soo siyaartaan ehelkoodii oo jooga Gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Beled Weyne. Askartaan oo tiro ahaan lagu sheegay iney dhammaayeen ilaa 7-askeri ayaa waxaa jidka u galay koox hubaysan una abaabulneed qaab qabiil waxa eyna dileen ilaa shan ka mid ah askartii Qaranka waxa eyna ka soo duubeen Video markii ey nafta dhaafinayeen,hadaba arrintaan ayaa waxa ey dhalisay carro aad u weyn waxa eyna gaartay iney ka hadlaan masuuliyiin uu ugu weyn yahay MW-Xasan iyo Wasiirka G/dhiga DFS Md.C/qaadir Jaamac,waxa eyna DFS amartay in dadkii dilka geystay cadaaladda lagu horkeeno muddo ka yar 48-saacadood. Shalay ayey ahayd markii degaanka CEEL-Baraf laga soo xiray Odayaal dhaqameed iyo madaxii maamulka degaanka laguna soo qaaday diyaarad ey leeyihiin CXDS,waxaane dhaammantood la keenay magaalada Muqdisho si halkaasi loogu baaro ka dibne Maxakamadaha awooda u leh loogu gudbiyo. Gudoomiyaha G/shsbeeladda dhexe Md.Masdile oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay laba ka mid ah dadkii ka qeybgalay dilkii foosha xumaay ee loo geystay askartii Qaranka,waxa uuna intaas raaciyey in weli lagu raad-joogo kuwa dhiman ee weli ku dhuumaaleysanayo baadiyaha degaanka CEEL-BARAF, waxaane shalay dhacday iska hor imaad kooban oo dhexmaray Ciidamadda DFS iyo Maleeshiyaad qaab qabiil u abaabulan oo difaacayey gacan ku dhiigalayaashii dilay Askarta Qaranka.
SB-MEDIA.