GAARI LA SOO XADAY OO SHIL KU GALAY MINNESOTA.
(SAWIRKA)-SHIL KA DHACAY MINNESOTA.
(SAINT PAUL/MINNESOTA)-Hal qof ayaa ku dhintay saddex qof oo kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii baabuur uu soo xaday nin Soomaali ah uu sababay shil ay galeen ciidanka Degmadda Ramsey County oo ka jawaabayay si deg-deg ahna ugu soo gurmanayey codsi ka yimid booliiska magaaladda Saint Paul. Darawalka waday baabuurka la sheegay in la soo xaday ee booliiska ka cararay ayaa ah nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Yusuf Cusman Muuse oo 27 sanno jira. Mas’uuliyiinta iyo booliiska ayaa sheegeen in Yusuf Cusman Muuse uu yahay qof dambiyo horay u galay, marar baddan booliisku xireen, markii ugu dambeysay ee la xirayna ay ahyd bishii Febraayo 23, 2026, isaga oo lagu qabtay bastoolad uuna sharci u haysan in uu qaato ama wato. Booliiska ayaa sheegay in Yusuf Cusman Muuse la xiray, oo uu ku jiro xabsiga degmadda Ramsey County isaga oo sugaya in lagu soo oogo dacwado rasmi ah oo ku saabsan gaariga uu xaday iyo booliiska uu ka baxsaday. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha booliiska magaaladda Saint Paul waxay heleen oo ay arkeen gaari la sheegay in laga soo xaday Minneapolis, baabuurka ayeey booliisku ku arkeen meel u dhow wadada Seventh Street iyo Maria Avenue xalay saacadu mar ay ku aadaneyd 10:45 habeenimo. Ka dib booliiska ayaa bilaabeen inay raacaan oo ay daba galaan gaariga la soo xaday, waxayna isku dayeen in ay baabuurka ku joojiyaan wadada weyn ee 94 iyo Highway 280. Balse darawalkii baabuurka waday ayaa diiday in uu istaago, ka dibna booliiska ka cararay. Booliiska ayaa bilaabay in ay cayrsadaan gaadhiga. Haddaba codsi gurmad deg-deg ah oo ay booliisku ku codsadeen ciidan dheeraad ah oo ka kaalmeeya gaadhiga ka cararay ayaa waxaa ka dhashay oo dhacay shil ay galeen saraakiil ah ciidanka degmadda Ramsey County Sherrif oo gaari kale ku dhacay is goyska labadda wado ee Robert Street iyo East 12th Street. Shilkan ayaa sababay in uu hal qof dhinto, saddex kallena ay dhaawacmaan. Weli lama sheegin qofka dhintay iyo dadka dhaawacmay magacyadooda iyo jinsiyadooda.
ISHA-TUSMO TIMES.