FIFA OO LAGU EEDEEYEY INEY SAMEEYSAY EEX.

(SAWIRKA)-BOLGUN.

(ZURICH/SWITZERLAND)-Wararka laga helaayo magaaladda Zurich ee dalka Switzerlanda ayaa sheegaayo in Xiriirlka K/cagta Adduunka ee FIFA uu Isniinta maanta ah iska fogeyay dacwadda Belgium ee ku saabsan xaq u yeelashada Folarin Balogun ka dib markii guddiga kubadda cagta adduunka uu hakiyay ganaaxii hal kulan ahaa, taasoo u ogolaatay weeraryahanka Mareykanka inuu ka qeyb galo wareega 16ka Koobka Adduunka ee FIFA. Ganaaxa kaarka cas ee Balogun ayaa la qaaday ka hor kulanka wareega 16-ka ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si shaqsi ah ugu booriyay Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino inuu dib u eego kiiska. "Guddiga Racfaanka FIFA waxaa codsi uu soo gudbiyay Xiriirka Kubadda Cagta ee Boqortooyada Belgian (RBFA) u midkaaso ah mid aan la aqbali karin," FIFA ayaa ku tiri bayaan ay soo saartay, sida ay sheegayaan wararka warbaahinta. "Codsiga waxaa loo diiday in la aqbalo sababo la xiriira in Xiriirka K/cagta Boqortooyadda Biljamka (RBFA) aysan qayb ka ahayn dacwadaha, sidaas darteedna aysan lahayn awood ay racfaan uga qaadato go'aanka," ayay raacisay. Xiriirka kubadda cagta Belgium ayaa sheegay inay "la yaabeen" ka dib markii laga qaaday ganaaxii Balogun ee hal kulan ahaa, taasoo u ogolaatay weeraryahanka Mareykanka inuu ka soo muuqdo kulanka Talaadada ka dhacaya Seattle. RBFA waxay sheegtay inay FIFA ka dalbatay caddayn ka dib markii ay ogaatay warbixinno warbaahineed oo sheegaya in ganaaxii Balogun la qaaday, iyagoo codsaday nuqul ka mid ah go'aanka, sharraxaad ku saabsan habka loo maray, iyo caddeyn ku saabsan xeerarka khuseeya. Waxay sheegtay in FIFA ay warqaddeeda u aragtay sidii rafcaan, ay magacowday garsoore, ay xiriirka siisay "dhowr saacadood" oo keliya si ay u dhammaystiraan racfaanka, isla markaana aysan "wax macluumaad ah ka bixin" go'aanka. RBFA waxay sheegtay inay Xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka ku wargelisay inay ka doodeen u-qalmitaanka ciyaaryahanka haddii lagu daro liiska kooxda garsoorayaasha, taasoo fursad u siineysa inay tallaabo dheeraad ah qaadaan. Isniinta maanta ah, UEFA waxay sheegtay in FIFA ay "ka gudubtay xariiq cas" markii ay u ogolaatay Balogun inuu la ciyaaro kulanka Belgium, iyagoo ku doodaya in go'aanka uu "khatar geliyay daacadnimada ciyaarta."

ISHA-AA.


Previous
Previous

TOOGASHO KA DHACDAY MAGAALADDA BROOKLYN PARKA EE G/MINNESOTA.

Next
Next

NIMCA CALI OO RAALIGELIN SIISAY DR.MARKUS HOEHNE.