Tan iyo markii kalsoonidii lagala noqday xukuumaddii uu hogaaminaayey R/W-re Xasan Cali Khayre 25/7/2020-ka waxaa soo badanaayey waxyaabo u muuqdo ineey yihiin boob lagu sameeynaayo hantidii qaranku lahay ka hor inta aan la magacaabin R/W-re cusub oo dhammaystira dhawrka bilood ee ka hartay waqtiga eey sii shaqeyn karto xukumadda hadda jirto. Siihayaha wasaaradda Batroolka iyo Macdanta soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa waxa uu gebertiisa Sumaya C/rashiid Maxamed Axmed u magacaabay madaxa xiriirka iyo warbaahinta ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta soomaaliya. XIGASHO CAASIMADDA ONLINE.
Fadeexo uu sameeyey wasiir ka tirsan xuku….
Previous
Previous
Taariikhda Dagaalka u dhexeeyo Turkiga iyo Giriiga.
Next
Next