Ex.GUDOOMIYE MAXAMED MURSAL OO EEDEYN CULUS U JEEDIYEY DFS.

(SAWIRKA)-XILDHIBAN MURSAL.

(NAIROBI/KENYA)-Waa dhab in isbedel muuqda uu ka dhacay Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dib markii xoogaga Mucaaradka KGS oo kaashanaayo DFS ey maalintii Isniinta ee todobaadkan ey sahlan ula wareegeen gacan ku heynta caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaalliya. Ka hor inta eysan dhicin in Mucaaradka la wareegaan gacan ku haynta Baydhabo waxaa magaaladda Baydhabo ku sugnaay masuuliyiin ka tirsan DFS gaar ahaan rag ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee baarlamaankii 10-aad Md.Xil.Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Md.Xil.Adan Saransoor iyo Md.Xil.Xasan C/nuur kuwaaso dhammaantood Baydhabo u yimid sidii ey saaxibkood Laftagareen ugu garab istaagi lahaayeen Doorashada halka dhinac ah ama loogu yeeri karo ISKU CAANA SHUB, hadaba Gudoomiye Mursal oo ka mid ahaay ragii Baydhabo ku sugnaay markii Laftagareen isku Caana shubaay kuna qanacsanaay in Doorashada Laftagareen sameeyey ey tahay sax ah loona dhan yahay ayaa maanta Bartiisa Facebook soo geliyey Qoraal uu halku dheg uga dhigay: “Faragelinta Dowladda Federaalka ee Koonfur Galbeed iyo Burburinta Nidaamka Federaalka” Duullaankii ay Dowladda Federaalka ku soo qaadday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo adeegsanaysa awood ciidan iyo amarro ka baxsan habraacyada dastuuriga ah, wuxuu si toos ah u sababay burburinta maamulkii sharciyadda ku dhisnaa ee dowlad-goboleedkaas, isla markaana wuxuu abuuray xaalad hubanti la’aan siyaasadeed iyo mid amni. Tallaabadan ma aha oo kaliya mid ka hor imaanaysa sharciga, balse waa mid si weyn u dhaawacaysa jiritaanka nidaamka federaalka iyo dowladnimada dalka. Koonfur Galbeed waa dowlad-goboleed si sharci ah u dhisan, kuna saleysan Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, leh hay’ado fulineed iyo sharci-dejin oo si nidaamsan u shaqeynayay. Hase yeeshee, waxaa si cad u muuqata in maamulkeedii sharciyadda ku dhisnaa si ula kac ah loo wiiqay lana burburiyay, iyadoo la kala diray hay’adihii dowliga ahaa, laguna beddelay amarro iyo go’aanno aan lahayn saldhig dastuur, kana imanaya meel ka baxsan nidaamka federaalka. Dowladda Federaalka ayaa si toos ah ula wareegtay awoodihii dowlad-goboleedka, taasoo keentay in magacabisyo sharci-darro ah laga sameeyo dhammaan heerarka maamulka laga bilaabo heer degmo ilaa heerka ugu sarreeya ee fulinta. Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo hoggaanka sare ee maamulka ayaa si toos ah looga soo magacaabay xarunta dhexe, arrintaas oo si cad u baabi’inaysa mabda’a is-maamul ee dowlad-goboleedyada, kuna xadgudbaysa kala sarreynta awoodaha ee dastuurku qeexayo. Ficilladan waxay si cad uga hor imaanayaan mabaadi’da aasaasiga ah ee federaalka, kuwaas oo dammaanad qaadaya madax-bannaanida maamul ee dowlad-goboleedyada iyo awooddooda ku aaddan maareynta arrimahooda gudaha. Faragelinta noocan ah waxay burburinaysaa kala dambeyntii dowladeed, waxayna si weyn u dhaawacaysaa kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowliga ah. Adeegsiga ciidamada Dowladda Federaalka ee lagu faragelinayo arrimaha Koonfur Galbeed wuxuu sababay amni darro baahsan. Dhaqdhaqaaqyada militari waxay saameyn toos ah ku yeesheen shacabka rayidka ah, iyagoo keenay barakac, hakad ku yimid adeegyada aasaasiga ah, iyo burbur ku yimid xasilloonidii deegaanka. Taasina waxay sii xoojisay fowdada, jahawareerka maamul iyo kala-daadsanaanta hay’adaha. Isbeddelka aan loo marin dariiq sharci ah wuxuu meesha ka saaray nidaamkii dowladeed ee ku dhisnaa sharciyadda, isagoo beddelay hannaan ku tiirsan amar iyo awood aan dastuur ku dhisnayn. Tani waxay sii kordhisay khilaafaadka siyaasadeed, waxayna halis gelinaysa xasilloonida guud ee dalka. Waxaa sidoo kale isa soo taraya walaaca laga qabo jihada siyaasadeed ee dalka, iyadoo ay muuqato in ay jiraan dadaallo uu wado Madaxweyne Xassn oo horseedi kara wiiqista ama burburinta nidaamkii federaalka ee soomaalida ku heshiiyeen. Nidaamka federaalka ah waa natiijada heshiis qaran oo lagu dhisay wada-tashi, tanaasul iyo rabitaan lagu badbaadinayo midnimada iyo dowladnimada dalka. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in si degdeg ah oo adag looga hortago jihada siyaasadeed ee halista ku ah nidaamka Federaalka.

XIGASHO-XILDHIBAAN MURSAL.

Previous
Previous

IRAAN OO SOO RIDAY DIYAARAD DAGAAL UU MARAYKAN LEEYAHAY.

Next
Next

CIIDAMADDA KUMAANDOOSKA GOR-GOR OO SOO QABTAY HORJOOGE SALAAD DHEERE.