EU-DA OO CUNAQABATEYN SAARTAY…
(SAWIRKA)GENERAALADA ISKU HAAYO DAGAALKA DALKA SUDAN.
(BRUSSELS)-Midawga Yurub ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Isniintii shalay ahayd lix shirkadood oo uu sheegay iney masuul ka yihiin isku dayga ey ku wiiqayaan xasiloonida dalka Suudaan ey colaaduhu ragaadiyeen,kuwaaso inta badan lala beegsaday shirkadaha lala xiriirinaayo soo iibinta hubka iyo soo saarista hubka. Suudaan waxa ey gashay fawdo bishii Abriil/2023-kii markaaso ey muddo soo jiitamaysay xiisad u dhexeysay ciidamada mileteriga dalka Suudaan hogaankiisa Gen.C/fataax Burhani iyo xoogaga deg dega ah ee uu taliyaha u yahay Maxamed Hamadan Dagalo ayaa dagaal ku qaaday wadooyinka caasimadda Khartuum iyo degaano kale oo uu ku jiro Galbeedka Gobolka Daar-Fuur. Dagaalka dalka Suudaan ayaa waxaa ku barakacay dad gaaraayo ilaa todobo milyan oo qofood waxaane ku dhintay dad gaaraayo ilaa laba iyo toban kun qofood sida ey sheegtay Qaramada Midoobe. Kooxaha Takhaatiirta Maxaliga ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka ayaa sheegay in tirada dhimashada ey tahay mid aad u badan kana badan tahay tan ey sheegtay Qaramada Midoobe. Cunaqabateynta Midawga Yurub ayaa waxaa lagu soo rogay laba shirkadood oo hubka iyo gaadiidka u sameeyo ciidamadda qalabka sida ee Suudaan,Shirkada caalamiga ah ee Zadna ee maalgashiga oo ey gacanta ku hayaan ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo seddex shirkadood oo ku lug lahaay u soo iibinta qalabka Mileteri kooxda uu hgaamiyo Xumeydeyti,lixdaan shirkadood ee la saaray cunaqabateynta ayaa shan ka mid ah waxa ey yihiin shirkado laga leeyahay dalka Suudaan,shirkada soo hartayne waxa ey ka diiwaan gashan tahay dalka Imaaraatka Carabta. Hantida lixdaan shirkadood ayaa la xayiri doonaa gudaha Midawga Yurub,mawaadiiinta Midawga yurubne waxaa laga mamnuuci doonaa iney u sameeyaan dhaqaale ey heli karaan shirkadahaasi.
ISHA/AP.