DUGSI YAHUUDA LEEDAHAY OO LAGU WEERARAY DALKA HOLLAND.
(SAWIRKA)-BOOLISKA HOLLAND.
(AMSTERDAM/HOLLAND)-BREAKING NEWS:- Wararka laga helaayo caasimadda dalka Hoolan ee Amsterdam ayaa sheegaayo in Iskuul Yuhuudi leedahay oo ku yaal Amsterdam ayaa qarax ka dhacay subaxnimadii Sabtida maanta ah, Qaraxaaso uu ku tilmaamay duqa magaalada "weerar ula kac ah oo ka dhan ah bulshada Yuhuudda." Qaraxa Sabtida ayaa ah kii ugu dambeeyay ee weeraro badan oo looga shakisan yahay in lagu qaaday Hay'adaha Yuhuudda toddobaadyadii u dambeeyay. Dhacdooyinkan intooda badan waxaa lala xiriirinayaa dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ahaa Iiraan .
MAXAAN ILAA HADDA KA OGNAHAY?
Booliisku waxay sheegeen in baarayaashu ay ogaadeen in labada tuhmane ay ku yimaadeen mooto. Mid ka mid ah ayaa shay ku dhejiyay derbiga ka hor inta uusan dib ugu laaban mootada, iyadoo qalabku qarxay markii ay si xawli ah u socdeen. Lama soo sheegin wax dhaawac ah, khasaarahana wuu koobnaa. Amniga sunagogyada iyo xarumaha Yuhuudda ee ku yaal Netherlands ayaa tan iyo markaas la adkeeyay ka dib dhacdada. Duqa magaalada Amsterdam Femke Halsema ayaa cambaareysay "fal gardarro ah oo fulaynimo ah oo ka dhan ah bulshada Yuhuudda." "Dadka Yuhuudda ah ee ku nool Amsterdam ayaa si isa soo taraysa ula kulmaya nacaybka Yuhuudda. Tani waa wax aan la aqbali karin," ayay tiri. "Iskuulku waa inuu ahaadaa meel ay carruurtu si ammaan ah wax ku baran karaan. Amsterdam waa inay noqotaa meel ay Yuhuuddu si ammaan ah ugu noolaan karaan."
HAYADAHA YUHUUDA EE HALISTA KU JIRA.
Jimcihii, kaniisad ku taal magaalada Rotterdam ee dalka Holland ayaa lagu weeraray dab habeenkii oo dhan qabsaday. Isniintii hore, kaniisad ku taal Liege ee Belgium ayaa sidoo kale qarax uu dhaliyay dab. Dhanka kale, Mareykanka, nin hubeysan ayaa gaarigiisa ku dhuftay macbad ku yaal Deroit Khamiistii.
ISHA-DW.