DR.KOOFI OO LOO SOO WAKIISHAY INUU DAGAAL KA QARXIYO MUQDISHO.
(SAWIRKA)-LACAG IMAARTKU KEENAY PUNTLAND.
(GARAWE/PL)-Wararka laga helaayo caasimadda dawlad Goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Shalay uu Puntland dib ugu soo laabtay Wakiilka iyo Saaxiibka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya ahne Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ka yimid magaaladda Abu Dhabi , safarka Waxaa ku wehliyay xubno ka tirsan Madasha Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisay magaaladda Muqdisho,ee uu Hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Xubnaha la socday Mw-Deni ayaa waxaa ka mid ahaa Dr. Maxamed Aden Koofi iyo Xildhibaan Cabdirashid Jire oo labaduba ka tirsan Gudiga Farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliya kaaso ey ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha labada DG ee kala ah Puntland iyo Jubaland, Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in xubnahan lagu soo dhaweeyay magaaladda caasimadda ah ee Garowe. Wararka la helayo ayaa sheegaya in dalka Isutaga Imaaraatka Carabta uu wado Qorshe Siyaasadeed oo halis ku ah Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya, kaasoo si qarsoodi ah ay u fulinayaan shaqsiyaad uu Imaaraatku kalsooni badan ku qabo, Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli dalku wajahayo loollan diblomaasiyadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan qadiyadda Israa’iil oo ay Aqoonsiga been abuurka ah ku siiyay Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland. kulammo Qarsoodi ah ayaa xalay ka dhacay magaalada Garoowe Waxaana warar hoose tilmaamayaan in farriinta Imaaraatku uu u soo dhiibay ay tahay in Laga shaqeeyo sidii loo lugoyn ama lugta loo qaban lahaa dadaalka Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka dhan ah ku Xadgudubka Madaxbanaadi Dalka iyo in Dowlada Federaalka Soomaaliya Lagu mashquuliyo arimo Siyaasadeed dalkana looga abuuro hubanti la’aan Siyaasadeed, lacago fara badan oo loogu talagalay fulinta qorshahan ayaa Maanta boorsooyin Lagu shuban doonaa si loo gaarsiiyo goobaha ka baxsan Garawe oo Puntland ah sida Caasimadda Muqdisho iyo Kismaayo. Mw.Siciid C/lahi Deni weli kama hadlin Xadgudubka Yuhuuda sababta ugu weyna waxaa lagu tilmaamay iney tahay in Imaaraatka Carabta ka danbeeyo.