DOOORASHDII KGS OO WELI LAHAYN NATIIJADEEDA,SABABTA?
(SAWIRKA)-DOORASHO.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Waxaa weli mugdi ku jira sababta rasmiga ah ee ka dambeysa hakadka ku yimid ansixinta natiijadii doorashooyinkii ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo dhacay 10-kii May 2026. In ka badan 10 maalmood kadib doorashada, wali lama shaacin natiijo rasmi ah oo ay ansixisay Maxkamadda Sare ee dalka, taas oo dhalisay su’aalo badan iyo tuhun siyaasadeed oo isa soo taraya. 3 maalmood kadib doorashada, guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay natiijo hordhac ah, balse 17-kii May guddiga ayaa sheegay inuu sugayo ansixinta Maxkamadda Sare. Si degdeg ah ayayse Maxkamadda Sare uga jawaabtay arrintaas, iyadoo sheegtay inaan wax natiijo ah loo soo gudbin oo la xiriira doorashada Koonfur Galbeed. Is khilaafkan muuqda ayaa noqday mid hakiyay dhammaan geeddi-socodkii doorashada maamulka, waxaana dib u dhacay jadwalkii lagu dooran lahaa guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Su’aasha ugu weyn ee hadda taagan ayaa ah: maxaa dhab ahaantii hortaagan ansixinta natiijada? Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa tilmaamaya dhowr arrimood oo suuragal ah:
In ay jiraan cabashooyin rasmi ah oo ka yimid xisbiyada mucaaradka iyo musharrixiinta qaar.
Tuhun ku saabsan hufnaanta doorashada iyo in kuraas gaar ah lagu muransan yahay.
Isfaham la’aan sharci iyo farsamo oo u dhaxeysa guddiga doorashada iyo Maxkamadda Sare.
Iyo suuragalnimada in ay jiraan cadaadisyo siyaasadeed iyo dano qarsoon oo wali socda.
Doorashadan ayaa si gaar ah indhaha loogu hayaa, maadaama xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP uu helay kuraasta ugu badan, taas oo sii kordhisay doodaha siyaasadeed ee hareeyay geeddi-socodka. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo lagu caddeeyay goorta la ansixinayo natiijada ama in dib loogu noqonayo qaybo kamid ah doorashada. Hakadka socda ayaa sare u qaaday walaaca shacabka iyo siyaasiyiinta, iyadoo dad badan ay ka cabsi qabaan in murankan uu saameyn ku yeesho kalsoonida nidaamka doorashooyinka dalka. Waxaa hadda la sugayaa tallaabada xigta ee Maxkamadda Sare iyo guddiga doorashooyinka, si loo ogaado halka uu ku dambeyn doono muranka hareeyay doorashada Koonfur Galbeed.
ISHA-GM.