DOON KU GADOONTAY BIYAHA…
(SAWIRKA)-DOON GADOONTAY.
(ITALY)-Waxaa la la’ayahay 37-qofood ka dib markii doontii siday ey ku gadoontay badda u dhexeyso dalka Tunisiya iyo Jaziiradda Lampeduse ee dalka Talyaaniga. Doonta gadoontay ayaa waxa ku dhuftay dabaylo aad u xoogan waxaane laga cabsi qabaa in inta badan dadkii saaranaay doonta ey dhinteen marka loo fiiriyo afar qofood oo la soo badbaadiyey sida ey u sheegeen hayadaha samafalka shalay oo JImca ahayd. Hayada Qaramada Midoobe ayaa sheegay in dadka soo badbaaday ee afarta ah iney ka soo jeedaan dhulka ka hooseeyo saxaraha Afrika,waxa eyna Jaziirada Lampedyse soo gaareen khamiistii la soo dhaafay waqti dambe,waxaane dadkaan oo badbadiyey mark kale.
ISHA WARKA GUARDIAN.