DOON KU DEGTAY BIYAHA EYNA KU DHINTEEN 550-NEEF OO LO’O IYO IDA AH.

(SAWIRKA)-DOONTA DEGTAY.

(LAXJ/YEMEN)-Wararka ka imanaayo Koonfurta dalka Yemen ayaa sheegaayo in Dooni lagu magacaabo Zuceymah oo siday Xoolo nool lagana keenay dalka Soomaaliya ey ku degtay Xeebta Ra’asal Caara ee Gobolka Laxj una dhaw marin biyoodka Baba-El Mandab ee koonfurta dalka Yemen maanta oo Jimcaha ah. Shilkaan dhacay ayaa sababay iney dhintaan xoolo fara badan oo saarnaaye doonta Zuceymah ee degtay. Ilo wareedyo degaanka ah ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in Doonta Zuceymah ee degtay ey ka soo ambabaxda magaaladda Xeebeedka Berbera ee Jamhuuriyadda is magacawday ee Somaliland, waxaane Doonta Zuceymah saaraanaay ilaa todobo badmaax oo ey wehliyaan 400-neef oo Ida’a ah iyo 150-neef oo Lo’o ah, ka hor inta eysan Doonta Zuceymah ku degin Ra’asal Caara ee dhaw marinka Baab EL-Mandeb. Dadka u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Adanaha iyo Saxafiyiinta waxa ey baraha bulshada ku faafiyeen muuqaalo muujinaayo haraadiga Doonta Zuceymah ee degtay oo ka sameysneed ALwaax oo ku soo caarisay xeebta iyo tiro xoolo ah oo dhintay kuwaaso ey baddu soo tuftay. Waxaan weli jirin wax war ah oo rasmi ah oo lagu cadeynaayo duruufaha dhacdada ama masiirka shaqaalihii la socday Doonta Zuceymah ee degtay,halka eysan jirin faahfaahin dheeraad ah oo la ogyahay lana xiriirta dhacdadaan. Ma aha markii ugu horeysay ey dhacdadaan oo kale ey ka dhacdo isla degaankaan, waxaane horay u dhacday dooni siday xoolo nool kana timid dhinaca Soomaaliya kuna socotay Yemen iney degtay, waxaane dhacday in badmaaxiin Yememniyiin ah iney soo badbaadiyeen shaqaalihii doonta la socday iyo qeyb ka mid ah xoolihii saarnaay doonta degtay. Sida muuqata Doonta Zuceym waa mid ey iska leeyihiin Yemeniyiinta ka ganacasata Xoolaha nool ee laga keeno dalka Soomaaliya waayo Doonta ayaa lagu magacaaba ZUCEYMAH. LA SOCO WIXI SO KORDHA.

HALKAN KA FIIRSO VIDEO-GA DOONTA ZUCEYM EE DEGTAY:

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/SANA’A-YEMEN.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO FARAGELIN KU SAMEYNAAYA DACWADDA ISRAEL EE XASUUQA GAZA.

Next
Next

WASIIR CALI BALCAD OO SI ADAG UGA HADLAY SALDHIGA ISRAEL EE BERBERA.