DHISMO TAARIIKHI AH OO KU BASBEELAY DENMARK.
(SAWIRKA)-DEB XOOGAN OO KA KACAY GOOB TAARIIKHI AH.
(DENMAR)-Dab xoogan ayaa baabi’iyey Suuqa Isweydaarsigii hore ee caasimadda Denmark ee Copenhagen ee qarnigii 17-aad maanta oo Talaada ah,debka ayaa dumiyey dhismihii taariikhiga ahaay oo ey hortiisa taagnaayeen marqaatiyaal si aad ah u argagaxsan. Dhismaha uu debka burburiyey ayaa dhererkiisu ahaay 54-mitir(180-Feet),waxa uuna dhismahaan ku basbeelay holac ka kacay Borsen oo ey ku socotay dayactir sida uu arkay wariye ka tirsan Wakaaladda Wararka ee AFP. “Tani waa Notre-Dame-keenii! Tani waa hanti Qaran”45-jir dadka degaanka ah,Elisabeth Moltke ayaa u sheegtay AFP iyadoo daawaneysay dabka. Goobta basbeeshay ayaa waxaa ku jiray “sawiro fara badan oo Danish ah oo duuga ah,asala ahaane halkaasi ku keydsanaay. Dhawr jeer ayaan soo galay halkaas waane dhismo aad u qurux badan sidaas darteed waxa ey i dareensiineysaa dareen aad u weyn”,sidaas waxaa sheegay qof goobjooge ahaay. Dabka ayaa bilawday abaarihii 1:30-Duhurnimo ee waqtiga dalka Denmark waxa uuna ka bilawday saqafka guduudan hoostiisa ee dhismaha basbeelay sidaas waxaa wakaaladaha Wararka u sheegay hayadaha gargaarka ee soo gaaray goobta uu dabka ka kacay amaba loo yaqaano Deb demiska.
ISHA/YAHOO.