Dheesha Dh/mareeb.
Waxaa khamiista berri ah kuna beegan 9/7/2020-ka shir uga furmaa magaaladda dhuusamareeb shanta maamul goboleed ee dalka ka jirto,ujeedka shirka ayaa ah sidii eey uga tashan lahaayeen doorashadda dalka ku soo fool leh iyo sidii eey uga qaadan lahayeen mawqif isku mida,waxaanse kala cadeeyn in maamulada oo dhan isku mawqif noqdaan bacdamaa maamuladda qaar yihiin kuwa eey sameeysay xukuumadda hadda jirta ka dib markii eey gelisay dhaqaale iyo waqti fara badan,tusaale ahaan maamulka Koonfur Galbeed uu madaxweyne ka yahay Lafta Gareen gudoomiye baarlamane uu ka yahay safiirkii hore ee soomaaliya u fadhiyey Yurub Dr.Cali Fiqi marnaba suuragal ila ma aha inuu marnaba ka hor imaanaayo ujeedooyinka eey rabto iney meel marsato DFS,sidoo kale maamulka Galmudug ee madaxweyne ka yahay Qoorqoor gudoomiye baarlamaane uu ka yahay la taliyihii hore ee R/W-khayre Prof.Gacal isna lagama yaabo inuu ka horyimaado rabitaanka DFS anagoo og in siyaasiyiinta soomaaliyeed ee waqtigaan intooda badan yihiin igu shubo aan kuu shubee waqti kastana uu dhici karo isbedel siyaasadeed. R/w-khayre waxaa isaga ka go’an in la qabto doorashadda waqtigeeda loogu tala galay eeyna dhicin wax la yiraahdo waqti kororsi intuu doono hala ekaadee waxaane sidaas R/W-khayre la qabo qaar ka mida maamul goboleedyada waane kuwa hadda diidan in golaha shacabka la horgeeyo sharciga doorashooyinka si eey uga doodaan waayoo waxa eey ka dheregsan yihiin sida eey isugu milmeen hayadaha kala ah Sharci Dejinta iyo fulinta oo waxaa hal qof isku ah shaci dejiye iyo wasiir waxaane sidaas ogolaanaayo dastuurka KMG ah,ma xuma in la wada hadlo waxne meel la isla dhigo laakinse waxaan meel isla gelin danaha gaar ka ah eey kooxuhu kala leeyihiin taasoo ka sareeysa danta guud ee dalka iyo dadka mana dheceen waxyaabaha hadda taagan haddii danta dalka iyo dadka laga hormarin lahaay danaha gaarka ah,dheesha ka socoto dhuusamareeb waa mid budo iyo biyo u kala saari doonto dagaalka siyaasadeed ee qarsoodiga ah una dhexeeyo Madaxweynaha iyo R/wasaarihiisa(Seedi) banaankana keeni doonta sida maamulada dalka ka jiraa ula kala jiraan labadaas masuul,mucaaradku warkiisa waaba cadeeysatay oo doorasho hala aado ayey ka joogtaa wixii intaas ka soo harana waa waxaan la aqbali karin,waxaase dhici karta in mucaaradka la marsiiyo arrinta ah xil wadaag oo lagu yiraahdo 50/50 aan u kala qaadano xukuumadda inta laga gaaraayo waqtiga doorashooyinka waane arrintaas arrinta uu R/W-khayre ka dagaalamaayo ineey dhacdo si uusan u noqon mid cayaarta ka fiirsanaayo teribuunka, haddise eey taasi dhacdo Farmaajo waxaa u furan albaab weyn uu cid walba ka soo gelin karo isagoo aan dhibtoon waase la arki doonaa wixii ka soo baxa shirka maamul goboleedyada uga socdo Dhuusamareeb.