DHAQAALE LOOGU YABOOHAY DALALKA…

SAMEYNTA ABAARAHA GEESKA AFRIKA.

(WASHINGTON)-Qaaraan bixiyeyaasha kala duwan oo ka qeybgalay kulan ey soo abaabushay Qaramada Midoobe ayaa ku yaboohay lacag dhan 2.4-Bilyan oo doolarka Maraykanka ah lacagtaas ayaa loogu talagalay badbaadada nolosha iyo weliba taageerida hab nololeedka,lacagtaan ayaa waxaa ka faa’iideysan doono dad gaaraayo ilaa 32-Milyan oo qofood kuna kala nool dalalka Soomaaliya,Kenya iyo Itoobiya. Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay dadaal wadajir ah ey wada sameeyeen Bulshada Maxaliga,Ururada Samafalka,qaaraan bixiyeyaasha iyo masuuliyiinta degaanada ey abaaruhu ka dheceen ka dib in lagu guulaystay in laga hortago iney xaalad macluul ah isu bedelaan abaarihii jiray. Warbixinta ey soo saartay Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in abaarahaan daran ey uga sii dareen ka dib markii la waayey roobabkii la filaayey muddo shan xilli Roobaad ah. In ka badan 30-Milyan oo qofood oo ku kala nool wadamadda Soomaaliya,Itoobiya iyo Kenya ayaa loo fidiyey taageero. Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in xaaladaha deg dega ee jira awadood in weli loo baahan yahay kaalmo kale oo deg deg ah si looga hortago in xaaladu dib ugu noqoto meel xun. Lacagahaan ayaa shalay oo Arbaca ahayd lagu yaboohay ka dib markii uu kulan balaaran uu ka dhacay magaaladda New York ee dalka Maraykanka,waxaane kulankaasi si wadajira u qabteen Qaramada Midoobe,Talyaaniga,Qadar,Ingiriiska iyo dalka Maraykanka waxaane iskaashi lagala sameeyey dawladaha Soomaaliya,Kenya iyo Itoobiya. Dhinacyada ka shaqeeyo gargaarka bani’adanimo waxa ey u baahan yihiin lacag dhan ilaa $7-bilyan oo doolarka Maraykanka ah si wax looga qabto xaaladaha bani’adanimo isla markaasne looga jawaabo Abaaraha iyo degaanada ey saameeyeen colaadaha ka jiro Gobolka sannadkan 2023-ka ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobe.

ISHA WARKA OVA-SOMALI.

Previous
Previous

MIDAWGA YURUB OO SOOMAALIYA KU…

Next
Next

MARAYKANKA OO LIISKA MADAW KU DARAY…