DHAC LOO GAYSTAY WFP.
DALKA SUDAAN.
(KHARTUM)-Majalad ka soo baxdo dalkaasi Maraykanka ayaa wax ka qortay dagaalka dalka Sudan,Majalada Foreign Policy ayaa si qoto leh waxa ey uga hadashay goorta uu soo bilawday dagaalka u dhexeeyo Burhani oo ah taliyaha ciidamadda dalka Sudan iyo Xumeyti oo ah taliyaha ciidamada gargaarka deg dega ah(RSF). Foreign Policy ayaa xustay dalalka la kala safan labadaan General ee ku dagaalamayo dalka Sudan sida dalka Imaaraatka oo la safan Xumayti. Majalada ayaa sheegtay in dagaalka Generalada yahay mid soo bilawday sannadkii 2015-kii soona jiitamaayey in mudda ah balse ugu dambayntii qarxay lix maalmood ka hor,dagalkaan ayaa waxaa dhibaato loogu gaystay masuuliyiin ajaanib ah sida wakiilka Midawga Yurub u fadhiyey Khartuum iyo dhac loo gaystay hayada cuntada adduunka(WFP) makhaasiinteeda ku yaalo Daarfuur.
ISHA WARKA FP.