DG G/MUDUG OO BERI YEELAN DOONTA MADAXWEYNE IYO KU XIGEENKIISA.

(MUUQAALKA)-MUSHARIXIINTA G/MUDUG.

(DH/MAREEB/GALMUDUG)-Wararka laga helaayo caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaayo in berri oo khamiis ah magaaladda Dhuusamareeb ayaa lagy wadaa iney marti-geliso doorashadda hoggaanka sare (Madaxweynaha) ee DG Galmudug. Doorashadan Berri ayaa waxaa ku tartami doono hoggaanka sare Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ee kala ah, Liibaan Axmed Xasan Cilmi (Liibaan Shuluq) oo ka socda Xisbiga JSP iyo Cabdulqaadir Cabdullaahi Diiriye Cadaawe oo isaga ka socda Xisbiga Sincad. Sidoo kale, waxaa tartanka doorashadda Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Galmudug u tartami doono Musharaxiinta kala ah, Cabdisataar Maxamed Geelle oo ka socda Xisbiga Sincad iyo Cabdi-wali Ibraahim aadan Garyare oo isagana ka socda Xisbiga JSP. Dhanka kale, Golaha Wakiillada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa wuxuu ka kooban yahay 89 xubnood, waxaana Xisbiga JSP uu ku leeyahay 67 kursi, taas oo u dhiganta boqolkiiba 75.28%, halka Kuraasta kale ee harsan ay tahay 22 (24.72%) taasoo ah tiro aad u yar. Marka la eego tirada kuraasta guud ee Galmudug iyo kuraasta Urur-Siyaasadeedka JSP, ayaa ah kan ugu cadcad guusha doorashada, maadaama uu haysto 67 kursi oo ka mid ah 89 kursi, aqlabiyadda waxaa leh weliba si fudud JSP, 45 kursi ayaa ku filan marka kuraasta guud ay tahay 89 kursi. Haddii aysan dhicin isku guur guur siyaasadeed ama isbeddello siyaasadeed oo waa weyn oo lama filaan ah, Musharaxa JSP ee Madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan Cilmi ayaa wuxuu haysataa fursad aad u sarreysa oo uu si fudud ugu ku guulaysan karo doorashadda Galmudug. Sidoo kale, waxaa xusid mudan in Xisbiga JSP uu Galmudug ka helay Seddexda xil ee ugu sarreysa Guddoonka Golaha Wakiillada Baarlamaanka Galmudug kuwaasoo si fudud ugu guuleystay hanashada Guddoonka Golaha Wakiillada doorashadii dhawaan ka dhacday Dhuusamareeb 18-ka bishan Oktoobar. Si kastaba ha ahaatee, tani waa saadaal ku salaysan tirada kuraasta oo kaliya, mana ahan natiijo la hubo. Siyaasadaha isbahaysiga iyo kuwa isbeddelka codadka xildhibaannada ayaa dhalin kara ama saameyn kara natiijada kama dambaysta ah ee Hoggaanka Galmudug.

XIGASHO-HIIRAAN NEWS AGENCY.


Next
Next

DFS OO SOO BANDHIGTAY MAGACYADDA HOGAAMIYEYAASHA ALSHABAAB EE G/BAY.