DFS OO KA HADASHAY KULANKII MUCAARADKA EY LA YEELATAY.

(SAWIRKA)WASIIRKA WARFAAFINTA DFS.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillo ka socda mucaaradka ayaa ku heshiiyay in la sii wado wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay Arbacada maanta soo saartay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka, oo ka dhacay Muqdisho 7-dii Luulyo 2026, uu qabsoomay jawi saaxiibtinimo, isla markaana uu labada dhinac u suurtageliyay is-weydaarsi furan, daacadnimo ku dhisan iyo dood wax-ku-ool ah oo la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee dalka. Sida lagu xusay bayaanka, dowladda iyo mucaaradku waxay isla garteen in la sii ambaqaado geeddi-socodka wada-hadallada loo dhan yahay, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo xasilloonida siyaasadeed, amniga iyo horumarka Soomaaliya. War-saxaafadeedku ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobbo gaar ah oo laga heshiiyay ama jadwalka kulamada xiga, hase yeeshee wuxuu caddeeyay in wada-hadalladu sii socon doonaan. Labada dhinac ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda Turkiga doorkeeda fududeynta wada-hadallada, iyagoo ku ammaanay dadaallada Ankara ee lagu taageerayo geeddi-socodka wada-xaajoodka. Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay ka taagan tahay dood ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka geeddi-socodka siyaasadeed, iyadoo beesha caalamkuna ku baaqeyso in khilaafaadka jira lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad si loo ilaaliyo xasilloonida dalka. Dhinaca kale, waxaa iyagana qoraalo soo saaray Mucaaradka magacyadda badan ee Soomaaliya ka jira watigaan: (1)-Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa sidaan yiri”Wakiilo ka kala socdo DFS iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku kulmay taariikhdu markeey ahayd 7/7/20226-ka. (2)-Kulanka waxaa lagu qabtay jawi wanaagsan oo wax dhisaya,taaso u ogolaaneysa is weydaarsi furan oo muhiim ah. (3)-Dhinacyadu waxa ey ku heshiiyeen dib u bilaabista wadahadalka iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo dhammaystiran oo danta u ah Nabadda, Xasiloonida siyaasadeed iyo Midnimada Soomaaliya. (4)-Dhinacyadu waxay u mahadcelinayaan Jamhuuriyadda Turkiga doorkeeda fududeynta ee dadaalka badan intii lagu jiray geedi socodka wadahadaladda. Kooxda Nabad iyo Nolol ee uu hogaamiyo ex.Mw-Farmaajo oo iyagana ka hadlay kulankii shalay ayaa soo saaray qoraal u qoran sidan: (1)-Wakooli ka kala socday DFS iyo Mucaaradka Nabad iyo Nolol ayaa kulan ku yeeshay magaaladda Muqdisho taarriikhdu markeey ahayd 7/7/2026-ka. (2)-Kulanka oo ku qabsoomay jawi degan, waxa uu suurtageliyey in dhammaan dhinacyaddu ey yeeshaan aragti is weydaarsi furan, hufan,isla markaasne wax ku ool ah. (3)-Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in la sii wado hanaanka wada hadalka loo dhan yahay, iyadoo la hiigsanaayo xaqiijinta xasiloonidda Siyaasadeed, amni iyo hirumar baraare leh. (4)-Dhinacyadu waxa ey Jamhuuriyadda Turkiga uga mahadceliyeen doorka hagar la’aanta ah ee ey ka qaadatay fududeynta iney wada hadaladu socdaan.

ISHA-WAKAALADDO.


Previous
Previous

HAYADDA FBI-DA MARAYKAN OO DUL DHIGTAY $150-KUN FAHAD MAXAMED NUR.

Next
Next

WAA MAXAY SABABTA KEENTAY IN XULKA QARANKA MASAR LAGA BADIYO?