DENI OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY KISMAAYO.
(SAWIRKA)DENI IYO MADOOBE.
(KISMAYO/JL)-Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo magaalada Kismaayo u yimid ka-qeybgalka Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Shirka Kismayo ayaa ah mid ey ka qeybgelayaan Siyaasiyiin Soomaaliyeed kuwaaso Mucaarad ku ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxmaud, waxa eyna ka kooban yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee uu hogaamiyo Ex.MW-Sheekh Shariif Sheekh Axmed xubnana ey ka yihiin Reysal Wasaarayaal hore sida Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, sidoo kale waxaa ka mid ah Siyaasiyiin mug leh uuna ka mid yahay Xil.C/raxmaan C/shakuur Warsame. Shirka ayaa ilaa hadda waxaan gaarin Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaaso weli ku sugan caasimadda Muqdisho,si kastaba ha ahaatee,shirka Kismaayo oo socon doono muddo dhan ilaa seddex maalmood aya aah mid ey gadaal ka taagan yihiin dawladdo shisheeye eyna ugu horeeyaan Kenya iyo Imaaraatka Carabta oo labaduba aan dooneyn in dalka Soomaaliya uu isku taago cagihiisa noqdane dal iyaga la mid caalamkana wax la wadaaga. Xildhibaanadda iyo Senitarada ka tursan BJFS ee kasoo muuqday Tv-yadda ee ka qeybgelaayo shirka Kismayo ayaa waxaa ugu tun weynaay Senitar Faroole oo horay u soo noqday Madaxweynaha Puntland kaaso si aan caadi ahayn uga soo horjeeda DFS iyo Doorashada Golaha degaanka ee G/banaadir,isla markaasne raba in DFS iyo G/banaadir noqdaan kuwa burbura si DG Puntland u noqoto mida iyada u taagan iney metesho Qaranka Soomaaliyeed.
XIGASHO-SB-MEDIA.