DEMBI LOO HAYSTO ETHIOPIAN AIRLINE.
(MARAYKANKA):Aqalka cad ee looga arrimo dalka Maraykanka ayaa dalka Itoobiya ka saari doono barnaamijka ganacsi ee u dhexeeyo Maraykanka,Itoobiya iyo wadamadda ka hooseeyo saxaraha Afrika sida lagu sheegay warbixin soo baxday Khamiistii.Dalka Itoobiya ayaa lagu helay inuu ku xadgudbay qodobka shan boqol iyo lix xarafkiisa(A)(506-a) kaasoo ku saabsan kor u qaadida fursadaha ganacsi ee qaaradda afrika(AGOA),warbixinta ayaa intaas waxa eey raacisay heshiiska sharci eey wadamadaas kaga sii mid ahaan karin ayaa ah xadgudubyo waa weeyn oo ah aqoonsi la’aanta xuquuqda aadanaha.Wadamadda Itoobiya,Maali iyo Gini ayuu Maraykanka u arkaa ineeysan ka sii mid ahaan karin heshiiskaan waayo waxa eey ku guuldareysteen ineey meel mariyaan waxa uu danaynaayo dalka Maraykanka oo ah Xuquuqda bani’aadamka,arrimaha loo heesto dalka Itoobiya ayaa waxaa ka mida in diyaaradda Ethiopian Ailine hub looga soo daabulay dalka Eritereeya waqtigii uu socday dagaalka u dhexeeyo xukuumadda Itoobiya iyo jabhadda Tigray ee TPLF-ta.ISHA CNN.