DEGMADA CEEL DHEER OO LAGU QABTAY INJINEER ALSHABAB AH.

(MUUQAALKA)-SARKAAL ALSHABAB KA TIRSAN.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Wasaaraddu waxay sheegtay in dhacdadu ay dhacday 17-kii Agoosto, waxaana lagu dilay Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaannay Xasan Xusuleey, kaas oo da’diisu ahayd 50 sano, kuna dhashay degmada Ruunirgood. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Xasan Xusuleey wuxuu ka mid ahaa horjoogayaasha Alshabaab  ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo mas’uul ka ahaa gaadiidka kooxda ee gobolka. Waxa kale oo uu horey u soo noqday madaxa waxa kooxda ugu yeerto “Sakawaadka” degmada Ruunirgood. Wasaaradda ayaa sheegtay in labada dhallinyaro ah ay horjoogaha ka dileen goob ka tirsan degmada, kadibna ay ka furteen qori AK-47 ah iyo rasaastii uu watay. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in horjoogaha la dilay lagu eedeeyay inuu dadka deegaanka u geystay dhac hanti iyo xoolo, xannibaadyo iyo carqaladeyn lagu sameeyay isu-socodka degmada iyo deegaannada ku dhow. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in falalkaas ay sababeen in qaar ka mid ah dadka deegaanka ay ka barakacaan degmada. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay dadaallada ay dadka deegaanka kula dagaallamayaan kooxda Alshabaab. Dhinaca kale, Ciidamada Macawisleyda Degmada Ceeldheere ee Gobolka Galkaduud ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyaro ah oo la sheegay inuu yahay Injineer  u qaabilsan Alshabaab dhinaca Technologyada casriga ah. Ninkaan ku eedeysan Alshabaabnimada ayaa safar dhulka ah ku maraayay Degmada Ceeldheer isagoona kuna sii jeeday Deegaanka Cooswayne balse gacanta lagu dhigay, waxaa lagu wadaa in loo gudbiyo Muqdisho si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo. Wararka ku saabsan ninkaan ayaa intaasi ku daraya inuu ka yimid dalka dibadiisa islamarkaana uu Alshabaab ku biiray sanadkii 2021-kii ,sidoo kale waxaa la sheegay inuu asal ahaan ka soo jeedo Degmada Cabud-waaq ee Galgaduud. Dhanka kale Dowlada Somalia wali war kama soosaarin ninkaan da’da yar iyo eedemaha loo jeediyay oo ah kuwo aad u culus islamarkaana uu ku wajihi karo ciqaab daran hadii maxkamada ciidamada la soo taago.

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

DAGAALYAHAN DAACISH AH OO EY QABTEEN CIIDAMADDA PUNTLAND.

Next
Next

KANAD EY KOR U KECEEN CODSIYADA JINSIYADDA DALKAASI.