DEGAANKA BASRA OO ALSHABAAB LOOGA DILAY LABA HORJOGE.
(MUQAALKA)-CIIDAMADDA DFS.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay deegaanka Basra, oo ku yaalla dhulka u dhexeeya gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Howlgalkan oo ay ciidamada dowladdu ku beegsanayaan fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka ayaa, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, lagu dilay xubno ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab, oo ay ku jiraan laba taliye oo sare oo kooxda ka tirsanaa. Ciidamada ayaa sidoo kale howlgalka ku qabsaday hub iyo saanad militari oo ay lahaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalku uu weli socdo, iyadoo ciidamada dowladda ay baacsanayaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka cararay goobihii uu dagaalku ka dhacay. Ujeeddada ciidamada ayaa lagu sheegay inay tahay in deegaanka Basra laga saaro kooxda, isla markaana dib loogu soo celiyo amniga iyo xasilloonida dadka deegaanka. Basra ayaa ah deegaan istiraatiiji ah oo ku dhow isku xirka labada gobol ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, waxaana deegaanada ku dhow dhow marar kala duwan ka dhacay howlgallo ciidan oo lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo ku ammaantay geesinimada, naf-hurnimada iyo dadaalka ay ku bixinayaan sugidda amniga dalka. Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada lagu doonayo in dib loogu soo celiyo deegaanada ay kooxdu maamusho ay sii socon doonaan, iyadoo dowladda ay ku adkeysatay in dagaalka lagu wiiqayo awoodda kooxda uu yahay mid ka mid ah mudnaanta amni ee dalka.
ISHA-GJ.