DAWLADDA SOOMAALIYA OO SOO XIRTAY…
9SAWIRKA)-ASKARTII LAGU LAAYEY DEGAANKA CEEL-BARAF.
(CEEL-BARAF)-Wararka ka imaanayo degaanka Ceel-Baraf ee Gobolka Shebeeladda Dhexe ayaa sheegaayo in halkaasi maanta oo Sabti ah laga soo xiray Odayaal,Gudoomiyihii degaanka iyo Haween,dhammaan dadkaan la soo xiray ayaa ku eedeysan dilkii maalmo ka hor degaanka Ceel-Baraf loogu geystay Askar ka tirsan Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed. Dhamaan dadka laga soo xiray Ceel-Baraf ayaa ku eedeysan ineysan waxba ka qaban dhacdadii foosh xumeed ee ka dhacday degaankooda ayagoo looga fadhiyey iney qaadaan talaabo muuqata waxna looga qabanaayo Mujrimiintii dilashay Askarta DFS. Gudoomiyaha degaanka Ceel-Baraf iyo Odayaasha ayaa dhammaantood laga soo dejiyey Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde ee magaaladda Muqdisho si baaris adag loogu sameeyo waxa ey hawshaan ka ogaayeen iyo sababta keentay ineysan ku bixin dhacdadaan foosha xun ee ka dhcday degaankooda. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DG H/shabeela Md.Cabdi Daahir Guure(Kaoore) ayaa yiri”Qofka haddii laga shakiyo ma sii wedi karyo shaqada dawaladda,ilaa baaris amni uu ka marana waa laga joojiyey shaqadii uu ka haayey degaanka Ceel-Baraf”. Guud ahaan askarta DFS ee la dilay ayaa gaareysa ilaa todobo askeri kana soo wada jeeda G/Hiiraan,waxaane dilkooda loo nisbeeyey inuu yahay dil Aano Qabiil ah kana dhxeeyo beelo walalaalo ah oo wada dega degaanka Xuduuda u ah Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhxexe ee Dawlad goboleedka H/Shabeele.
SB-MEDIA.