DAWLADDA KENYA OO KA HADASHAY MUSAAFURINTA AJAANIBTA.

(MUUQAALKA)-XOGHAYAHA.

(NAIROBI/KENYA)-Kenya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda PS waxay soo saartay Ogeysiis Cad oo ku saabsan Habaynta Dukumentiyada dhammaan dadka Afrikaanka ah ee aan dukumentiga haysan ee ku nool Kenya. Wasaaradda ayaa sheegtay in Dhammaan Ajaanibta ey xor u yihiin inay ganacsigooda si sharci ah u fuliyaan ka dib markay helaan Ruqsadaha iyo Shatiyada. Soogalootiga aan dukumentiga haysan waxay xor u yihiin inay ka raadsadaan habraaca dukumentiyada sharciga ah iyagoo u maraayo Safaaradahooda ku yaal Kenya ama ay isla habkaas u baaraan khadka tooska ah, tusaale ahaan eCitizen. Nooc kasta oo masaafuris ah ayey tiri Wasaaraddu waxaa sameyn doona oo keliya Hay'adaha Sharciga iyo Saraakiisha Fulinta Dowladda, Qof, shaqsi ama koox kuma laha door uu ku soo rogo Dhibaatayn ama hanjabaado qof kasta oo Afrikaan ah oo ku nool Kenya . Dowladdu waxay mas'uul ka noqon doontaa masaafurinta nidaamsan ee Ajaanibta aan dukumentiga haysan. Maanta oo Isniin ah ayaa loo balansan yahay in la xaaqo Ganacsiysdda Yar-yar ey iska leeyihiin dadka Ajaanibta ah ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaaladda Nayroobi Soomaaliduna ey ka mid tahay.

ISHA-GREAT AFRICA.


Previous
Previous

DALKA HANGARI OO DHULKIISA KA ERYEY DIBLOMAASIYIIN RUUSH AH.

Next
Next

QOYSASKA BADMAXIIN AFDUUB LOOGU HAYSTO SOOMAALIYA OO BANANBAXAY.