DAWLADDA ISUTAGA IMAARAATKA CARABTA OO DOONEYSA INEY DUMISO DFS.
(MUUQAALKA)-DFS IYO GMS.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa eedeymo culus u jeediyay siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay shirar ku saabsan Soomaaliya ku qabanayaan magaalada Abu Dhabi ee Imaaraadka Carabta. Fiqi ayaa qoraal uu ku daabacay boggiisa Facebook ku sheegay in siyaasiyiinta uu tilmaamay ay yihiin kuwo “aan rajo ka lahayn mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya”, isagoo sidoo kale ku eedeeyay inay wadaan qorshayaal uu sheegay inay khatar ku yihiin dawladnimada iyo xasilloonida dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale isbarbardhig ku sameeyay siyaasiyiinta uu eedeynayo iyo kooxda RSF ee dagaalka kula jirta dowladda Suudaan, isagoo sheegay in labada dhinac shir loogu qabtay meel isku mid ah, isla markaana uu ku eedeeyay siyaasiyiintaas inay halkaas kaga baranayaan “sida shaqada kuwa adeegsanaya u gudanayaan”. Fiqi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in siyaasiyiintaasi ay Soomaaliya kusoo laaban karaan iyagoo huwan qorshayaal uu ku tilmaamay “shirqoollo ka dhan ah dawladnimada iyo nabadda”, isagoo ka digay in ay isku dayi karaan abaabulka maleeshiyaad iyo soo celinta hoggaamiye-kooxeedyada. Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay waajib ku tahay inay si adag uga hortagto cid kasta oo uu sheegay inay khatar ku tahay nabadda, dawladnimada, qarannimada iyo madaxbannaanida dalka. Wuxuu sidoo kale adeegsaday erayga “khaa’inul waddan”, isagoo sheegay in qof kasta oo sidaas lagu tilmaamo “abaalkiisa la marsiin doono”. Hadalka Wasiir Fiqi ayaa ah mid daba socdo booqasho ey dhawaan ku tageen dalka Imaaraatka Carabta qaar ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, masuuliyiintaas ayaa waxaa ka mid ahaay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Reysal Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble, Reysal Wasaare hore Xasan Cali Khayre, Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo Hogaamiyeyaasha labada Maamul Goboleed ee kala ah Jubaland Axmed Madoobe iyo Puntlanda Siciid C/laahi Deni. Masuuliyintaan ayaa la kulmay masuul Imaaraati ah una xil saaran dawladiisa arrimaha Soomaaliya balse aan la sheegin magacciisa, waxaane la isku afgartay in la dardargeliyo hawlaha looga soo horjeedo DFS ey ugu horeeyso in la taageero go’aanka Siciid Deni ee ah Goono u goosahada Puntland, iyo in la taageero Jubaland sidii ey dib ugu hanan lahayd G/Gedo qeybihiisa gacanteeda ka maqan Jubland. Waxaane Jubaland la faray iney iyaduna taageero ciidan iyo mid saanadba siiso hogaamiyihii hore ee KGS Laftagreen oo hadda dagaal xoogan kula jira maamulka cusub ee KGS ee uu hogaamiyo Sheekh Aden Madoobe. Dhinaca kale xogta ayaa tibaaxeyso in Masuuliyiinta ka soo jeedo magaaladda Muqdisho in looga fadhiyo iney caasimadda ka bilaabaan dhaqdhaqaaq hubeysan oo lagu carqaladeynaayo maamulka uu hogaamiyo Mw-Xasan Sheekh si beesha caalamku u soo farageliso markaas ka dibne MW-Xasan lagu qasbo inuu ogolaado wada hadal furan ey ka qeybgelayaan dhammaan dadka daneeyo siyaasadda Soomaaliya iyo Musharaxiinta u taagan iney qabtaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
ISHA-HOL.