DAWLADDA FINLAND OO BEENISAY QORAALKA LA SOO DHIGAY BARTA X.

(SAWIRKA)-CALAMADA SOOMALIYA IYO FINLAND.

(HELSINKI/FINLAND)-Dowladda Finland ayaa beenisay warqad lagu baahiyay baraha bulshada oo lagu sheegay in ay ka fiirsanayso wada-shaqayn toos ah oo ay la yeelanayso Somaliland, isla markaana ay u ololeyn doonto aqoonsiga Somaliland. “Qoraalka ku faafaya barta X ee lagu sheegay in uu ka soo baxay Finland waa been,” ayaa lagu yidhi qoraal rasmi ah oo ay baahisay Safaaradda Finland ee Soomaaliya, iyadoo lagu caddeeyay in Dowladda Finland ay ixtiraamayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Finland waxay mar kale xaqiijisay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka midnimada, madaxbannaanida, iyo dhuleednimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay intaas ku dartay in ay dhiirrigelinayso in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada-hadlaan arrimaha u dhexeeya. Hadalka Dowladda Finland ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Soomaaliya ay waddo olole ballaadhan oo ay ku doonayso in ay taageero buuxda u hesho diidmadeeda ku aaddan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland. Marka laga soo tago taageerada Dowladda Finland ee midnimada Soomaaliya, xukuumadda Somaliland ayaa wada dadaallo ay ku doonayso in ay taageero ka hesho xubnaha Baarlamaanka Finland, iyadoo dhawaan in ka badan 20 xildhibaan oo ka tirsan golahaas ay sheegeen in ay taageersan yihiin qaddiyadda aqoonsiga Somaliland. Somaliland ayaa muddo 34 sano ah ku jirtay dadaallo ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah, waxayna dabayaaqadii sannadkii hore ka heshay waddankii ugu horreeyay aqoonsi, arrintaas oo keentay in dalal badan oo ka tirsan kuwa caalamka iyo gobolka ay ka soo horjeestaan. Dowladda Soomaaliya ayaa aqoonsiga Somaliland ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda, waxayna Dowladda Israa’iil ugu baaqday in ay si degdeg ah uga noqoto.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO QORSHEEYEY DILKA HOGAAMIYAHA ISIS EE SOOMAALIYA.

Next
Next

IMAARAATKA OO LA OGAADAY INEY SI QARSOOD AH U LAAYSAY SARAAKIISHA YEMAN.