DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO WAR KA SOO….

(SAWIRKA)-WARMURTIYEEDKA DFS.

(MUQDISHO)-Tan iyo shalay ilaa xalay waxaa baraha bulshadda si aan caadi ahayn u qabsaday Hub la sheegay in dad shacab ah ey ku bililiqeysteen degmada C/waaq,hubkaan ayaa ahaay mid sharci darra ah lagana soo gudbiyey Xuduuda u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya,ma la sheegin cidda iska leh hubkaan la bililiqeystay iyo goobta uu ku wajahnaay. Bililiqadda Hubkaan ayaa waxaa ku dhintay askar ka tirsan ciidanka NISA iyo maleeshiyaad ka tirsan Qabaa’ilka dega halkaas. Hadaba Hayadaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah lagu soo gelinaayo dalka Soomaaliya ayaa waxay maalintii shalay oo ay taariikhda ahayd 15-ka bisha Luuliyo gacanta ku dhigeen hub ey kooxo ka Ganacsada hubka sharci darrada ah waxa eyna ka soo geliyeen dhinaca dalka Itoobiya kuna beegan Gobolka Galgaduud. Laamaha Amnigu markeey gacanta ku soo dhigeen hubkaas ayaa waxaa jidgooyo u dhigay maleeshyaad hubaysan taasine waxay sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo Maleeshiyaadkaas. Ka ganacsiga hubka sharci darradda ah waxa ey fursad u tahay kooxaha Khawaarijta sidaas oo kale waxa ey qeyb weyn ku leedahay hurinta colaadahah dhexmara Qabaa’ilka Soomaaliyeed. Dawladda Federaalka Soomaaliyeed waxay odayaasha dhaqanka iyo shacabka degaanka faraysaa iney Hayadaha Amniga kala shaqeeyaan hawlgaladda soo celinta Hubkaas galay gacantooda. Ugu dambeyntii Dawladda Federaalka Soomaaliyeed waxa ey Tacsiyadeyneysaa dadkii ey waxyeeladu ka soo gaartay shaqaaqadii ka dhalatay falkaas jidgooyadda ah ey geysteen maleeshiyaad Hubaysan.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

ASKAR DISHAY WIIL DHALLINYARA AH OO DILA LAGU XUKUMAY.

Next
Next

METSOLA OO DIB LOOGU DOORTAY AFHAYEENKA…