DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO SI AAD AH UGU DIGTAY SHIRKADAHA….
(SAWIRKA)-WASIIR DAAHIR.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu digtay shirkadaha shidaalka ee reer galbeedka ee haysta rukhsadaha sahminta shidaalka inay si degdeg ah u bilaabaan howlaha sahminta, ama ay lumiyaan xuquuqdooda heshiisyada. Go’aankan adag ayaa ka dhashay caro iyo niyad-jab dowladda ka haysta dib u dhaca muddo dheer socday ee dhinaca horumarinta shidaalka, inkastoo heshiisyo hore loo saxiixay. Ka dib dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 2022, dowladda ayaa heshiisyo la saxiixatay shirkado ay ka mid yihiin Aquila Coastline Ventures iyo Soma Oil and Gas, halka sidoo kale heshiisyo la siiyay shirkadda Liberty Petroleum Corporation. Si kastaba, shirkadahaan ayaa lagu eedeeyay in aysan fulin waajibaadkoodii aasaasiga ahaa sida:
Samaynta baaritaannada seismic-ka (3D)
Qodista ceelal tijaabo ah
Hirgelinta maalgashi dhab ah
Badalkooda, shirkaduhu waxay ku mashquuleen raadinta la-hawlgalayaal iyo ka qeybgal shirar caalami ah. Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa tusaale u soo qaadatay horumarka degdegga ah ee shirkadda shidaalka Turkiga, kadib heshiiskii lala galay Turkiga sanadkii 2024. Shirkaddaasi waxay durba sameysay sahanno muhiim ah, iyadoo la filayo in qodista shidaalka ay bilaabato 2026. Wasiirka Batroolka, Dahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in shirkadda Liberty Petroleum Corporation ay horay uga tanaasushay laba ka mid ah saddex heshiis oo ay haysatay, kadib siyaasadda cusub ee “fuli ama ka har”. Wuxuu sidoo kale xusay in shirkad kale laga sugayo inay bilaabto sahanno cusub, inkastoo uusan faahfaahin dheeraad ah bixin. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli Soomaaliya ay galayso marxalad muhiim ah oo ku wajahan soo saarista shidaalka, iyadoo khubaradu ay ka digayaan in haddii aan la helin hufnaan iyo isla xisaabtan, ay dhici karto in kheyraadka shidaalka uu noqdo mid lagu khasaariyo musuqmaasuq iyo maamul xumo.
ISHA-GJ.