DAWLADAHEE AYAA KU LUG LEH DAGAALKA KOONFUR GALBEED KA SOCDO.
(MUUQAALKA)-WEJIYADDA LOO SOO OGMADAY DUMINTA DFS.
(MUQDISHO/NAIROBI)-Olole isku dubarid ah oo lagu wiiqaayo Dawladda Federaalka Soomaaliya laguna koobaayo awoodeeda magaaladda Muqdisho iyo in la burburinaayo iskaashiga ey la leedahay dalka Turkiga ayaa la abaabulayaa iyada oo la maraayo maalgelin shisheeye,cadaadis hubeysan iyo abaabul siyaasadeed, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah. Ilo wareedyadu waxay tilmaamayaan in dalalka Imaaraatka Carabta, Kenya iyo Israa’iil ey yihiin dhinacyo dibadda ah oo ka qeybqaadanaaya, kuwaasoo la shaqeynaya maamulka Jubaland iyo shaqsiyaad xiiriir la leh hogaamiyihii hore ee Dawlad Goboleedka Koongur Galbeed Soomaaliya Md.C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen. Waxay sharaxayaan istaraatiijiyadda isku daraysa balaarinta dhulka la haysto,dadaalo lagu wiiqaayo isbahaysiga siyaasadeed ee gobolka, iyo olole ka dhan ah joogitaan Turkiga ee Soomaaliya. Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in ujeeddada ugu dambeysa ey tahay in meesha laga saaro Dawladda Federaalka Soomaaliya lana keeno siyaasiyiin awood leh oo soo afjari doono iskaashigaas. Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, Imaaraatka Carabta ayaa bixineysa maalgelinta, halka Israa’iil ey bixinseyso Sirdoonka. Waxay sheegayaan in Sirdoon Imaaraatka Carabta ey lacagta iyo hubka ku hagaajiyaan dhexdhex-aadiyeyaasha oo ah Sirdoonka Kenya, si ey u taageeraan hawlgaladda gudaha Soomaaliya. Ilo wareedyadu waxay tilmaameen in kooxda ALshabaab,qeyb ka mid ah ciidamadda Jubaland, cutub ka tirsan Booliska Liyuu ee Dawlada Degaanka Soomaalidda Itoobiya iyo dagaalyahano daacad u ah Laftagareen ey yihiin ciidamadda loo adeegsan doono hawlgalkaan. Sharaxaadu ma cadeyneyso sida ey ciidamadu isugu dubaridi doonaan hawlgalkooda, ama haddii ey ku hawlgeli doonaan hogaan mideysan hoostiisa. Ujeedada dhuleed waa in awooda Dawladda Federaalka Soomaaliya laga saaro degaanadda ka soo bilawdo xuduudaha Soomaaliya kala dhexeeyo Kenya iyo Itoobiya,kuna sii jeedo dhanka caasimadda Muqdisho. Guuldarooyinka is xigxiga waxa ey sababi doonaan in Dawladda Federaalka ey si kordheysa ugu tiirsanaato oo kaliya joogitaanka Caasimadda Muqdisho. Cadaadiska nuucaas ah wuxu sameyn karaa wax ka badan xakameynta Mileteriga. Lumitaanka marin u helidda xarumaha gobolka iyo wadooyinka gaadiidka ayaa ka dhigi doontaa dawladda mid adag iney ilaaliso awooda maamulka, xoojisane xulafadda maxaliga ah iyo iney fuliso mashaariicda horumarinta.
BAY IYO BAKOOL OO AH DIIRADDA DEG DEGA AH:
Ilo wareedyadu waxay tilmaamayaan in goboladda Bay iyo Bakool ey udub dhexaad u yihiin wejiga koowaad ee ololahaan. Waxay sheegayaan in Laftagareen uu malaayiin doolar ka helay Sirdoonka Imaaraatka Carabta,iyada oo loo sii maraayo dhexdhexaadiyeyaal ka tirsan Sirdoonka dalka Kenya. Sida laga soo xigtay ilo wareedyadu, lacagta waxaa loogu talagalay in lagu wiiqo taageeradda Aden Madoobe ee odayaasha dhaqanka,siyaasiyiinta iyo saraakiisha Mileteriga. Ujeedadu waa in la kala qeybiyaa taageridiisa ka hor inta aan la gaarin horumar dhuleed oo dheeraad ah. Waxay saadaalinayaan in ciidamo xiriirka la leh maamulkii hore ee Laftagareen iney maalmo ama muddo todobaad ah gudihiisa ah qabsan karaan degmooyinka ugu badan ee goboladda Bay iyo Bakool, taasoo maamulka Aden Madoobe ku koobi doonta magaaladda Baydhabo. Jadwalkaasine wuxuu ka tarjumaa qiimeeyntooda ku aadan waxa dhici kara. Ilo Wareedyadu waxay sidoo kale ka digayaan in magaaladda Baydhabo ey geli karto xaaladda Nugul, haddii eysan Dawladda Federaalka Soomaaliya eysan wax ka bedelin hab dhaqankeeda ku aadan maamulka KGS. Istaraatiijiyadda ey sharaxayaan waxa ey ku tiirsan tahay gooshasada siyaasadeed iyo horumarka Mileteri ee is xoojinaya. marka maamulku lumiyo hogaamiyeyasha maxliga ah ayaa laga yaabaa iney yaraadaan rabitaanka ey ku taageerayaan. Tegitaankaas ayaa markaas sababi kara khasaarooyin dheeraad ah.
DOORKA SAAMBALOOSH EE H/SHABEELLE:
Ilo wareedyadu waxa ey tilmaamayaan in Sambalooshe uu yahay shaqsiga ugu muhiimsan ee dhanka DG H/shabeelle ee qorshahaan. Waxay sidoo kale xusayaan in shaqsiyaad xulafo la ah Laftagareen oo ku sugan KGS iyo maamulka laga dhisaayo Marko ee lagu magacaabat”KOONFUR/BARI” ey iyaguna ey qeyb ka yihiin dadaalkaan ballaaran. Sida ilo wareedyadu sheegayaan waxaa loo qorsheeynayaa in dagaalka uu ku fido Goboladda Hiiraan,Sh/dhexe iyo Sh/hoose taaso culeysyo kala duwan ku keeno doonto Dawladda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale u aqoonsadeen mashaariicda horumarinta ee ka socdo Gobolka Sh/dhexe iney yihiin bartilmaameedyada carqaladeynta. Waxyeeleynta mashaariicdaas waxay wiiqi kartaa kalsoonidda daweynaha ee ku aadan awooda dawladda ee ah iney amniga iyo awooda siyaasadda u bedesho horumarin wax ku ool ah.
ISKAASHGA TURKIGA OO CADAADIS LA KULMAYA:
Ilo wareedyadu waxay tilmaamayaan in Turkiga laga saarayo Soomaaliya, waane yoolka dhexe. Waxay sheegayaan in ololaha uu ku jiro dadaalo lagu muujinaayo in Ankara tahay awood gumeysi oo taageerta hal koox siyaasadeed oo Soomaaliyeed. Sheekadaan waxay la socon doontaa cadaadiska Mileteriga iyo siyaasadda ee saaran Dawladda Federaalka Soomaaliya,iyadoo lala xiriirinayo cabashooyinka gudaha iyo mucaaradka ka dhanka ah isbahaysiga shisheeye. Sida laga soo xigtay ilo wareedyada, qorshaha loogu talagalay waa in la wiiqaa Dawladda Federaalka Soomaaliya,laga qaado awooda iyo in la sugo bixitaanka Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo la racaayo maamul bedela. Muhimadda siyaasadda waxay ku jirtaa isku dayga ah in xiriirka Turkiga laga dhigo arrin kala qeybineyso dadka ku sugan gudaha Soomaaliya. Mashaariicda horumarinta iyo qaababka kale ee iskaashiga ayaa laga yaabaa iney noqdaan bartilmaameedyo maadaama ey xiriir la leeyihiin dawladda, taasoo sii kordhineysa heerka loolanka siyaasadeed ee gudaha.
DHAQDHAQAAQ ABAABUL OO KA SOCDA GUDAHA MUQDISHO:
Sida ey sheegayaan ilo wareedyada, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre ayaa Muqdisho ka bilaabi doono abaabul ka dhan ah DFS, xilli dagaalka socdo uu ku soo dhawaanayo Gobolka Banaadir, waqtiga ey dhacayaan ayaa saameyn weyn ku yeelan doono. Guul darooyinka Mileteri ee ka dhaca meelaha ka baxsan caasimadda ayaa DFS gelin kara cadaadisa dheeraad ah, xilli ey isla markaas sii xoogeysananayaan dhaqdhaqaaqyada Mucaaradka ee gudaha caasimadda Muqdisho. Sharaxaada ilahaasi waxay horumaradaas ku xireysaa istaraatiijiyadda guud. Hase yeeshee, abaabulka siyaasadeed oo kaliyah ma horseedi karo isku duwidda kooxaha hubeysan. DFS xaaladaan waxay u keeneysaa laba caqabadood oo kala ah: (1)-Ilaalinta iyo xakameynta dhulka. (2)-Iyo sii wadista isbahaysiga siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah maamulka.
AQOONSIGA SOOMAALILAND OO AH YOOL DHEERAAD AH:
Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in dib u soo cusboonashada dagaalku uu sidoo kale noqon doono qalab lagu xoojiyo dooda ku saabsan in Soomaaliland hesho aqoonsi caalami ah. Doodaas ayaa dhinaca kale ee Soomaaliya ku tilmaameysa iney ku dhex jirto dagaal sokeeye,iyadoo xaaladda xasilooni daradda loo adeegsanaayo in lagu xoojiyo qadiyadda ah in Soomaaliland si gaar ah loo aqoonsado. Ujeedadaasi waxay bixineysaa sameynta ololaha ee lagu sharaxay marka laga reebo halganka awooda ee ka socdo Muqdisho. Waxay isku xireysaa natiijadda iska horimaadyadda maxaliga ah iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya iyo mawqifka diblomaasiyadeed. Goobta ugu daran ey xaaladdu cakiran tahay weli waa DG KGS. Haddii khasaaraha ilo wareedyadu saadaalinayaan uu ka dhaco goboladda Bay iyo Bakool,Dawladdu waxay wajihi doontaa go’aan adag oo ku saabsan halka ey geyneyso ciidankeeda, iyadoo isla markaasne wajahaysa suuratgalnimada in dagaalo hor leh ey ka qarxaan Goboladda Shebeeladda Dhexe iyo Hiiraan.
ISHA-SR.