DARAWALKII GUDOOMIYE MURSAL OO…

SAWIRKA EX-GUDOOMIYE MURSAL.

(SOMALIA)-Tan iyo markii la doortay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee uu gudoomiyaha ka yahay Md Adan Madoobe eyna doorteen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isna uu magcaabay Reysal Wasaare Xasma Cabdi Barre waxaa golaha ka dhex bilawday guux aad u weyn kana imaanaayo xildhibaanadii loo soo xulay iney mar kale doortaan Madaxweynihii hore Soomaaliya Farmajo balse taas lagu guul daraystay. Xildhibaanadaan gacan saarka la leh dawladdii hore ayaa gudaha baarlamaanka waxa ey ka wadeen dhaqdhaqaaq u muuqdoo in looga soo horjeedo hawgalada lagu baacsanaayo kooxda Alshabaab ee ka kala socdo maamuladda Hirshabeele iyo Galmudug,hawlagaladaan ayaa laga gaaray guulo la taaban karo sida Hirshabeele oo dhammaan degmooyinkeeda laga xureeyey gacanta Alshabaab halka Galmudug ey ka harsan yihiin dhawr degmo ey Alshabaab maamulaan. Maanta oo Arbaca ah waxaa suuragal noqday inuu qabsoomo kalfadhigii BJFS uuna shir gudoominaayey Sheekh Adan Madoobe waxaane horay u soo fashilmay kalfadhiyo kale oo uu soo buuxsami kari waayey kooramkii,fadhiga maanta ayaa looga hadlay arrimo la xiriiro xeer hoosaadka golaha shacabka Soomaaliyeed iyo arrimaha la xiriiro amniga iyo xasaanadda xildhibaanadda golaha shacabka,sida la soo werinayo waxaa laba u kala jabay gudiga amniga,difaac iyo xasaanada golaha shacabk ka dib markii qaar ayaga ka mida ey soo jeediyeen in loo yeero masuuliyiinta amniga qaarkood halka qaar kalane ey diideen in loo yeero masuuliyiin amniga waqtigaan uu dalku ku jirodo dagaalka Alshabaab. Arrinta amniga xildhibaanada ayaa ka dhalatay ka dib markii la weeraray Hotel Villa Rose kun dhexyaalo xeyndaabka Villa Somalia,waxaane dhacday in hayadaha amniga kuna sugan iridaha laga soo galo golaha shacabka ineey si adag u feteshaan xildhibaanada baabuurtooda,ayadoo ey jirtay taas ayaa hadda waxaa soo kordhay in darawalkii gaarka u ahaay Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad Md.Maxamed Mursal inuu u baxsaday dhinaca kooxda Alshabaab kooxduna ey ka soo duubtay waraysi uu ku sheegaayo sababta uu u soo baxday,Xuseen Maxamed Xasan waa 40 sano-jir iyo ka badan waane darawalkii Mursal hadane la joogo Alshabaab,horay waxaa loo dhihi jiray laba shabaab waa wada shaqeystaan,arrintaan dhacdayne waxa ey daliil u noqon kartaa in arrinkaas uu soo jiray mudadii shanta sano ahayd uu dalka maamulaay Farmajo,hadaba su’aasha ayaa ah sidee amniga xildhibaanadda golaha shacabka loogu aamini karaa rag gacan saar la leh Alshabaab?

WAXAA DIYAARIYEY ABKEEY(SBM).

HALKAA KA DHEGAYSO.

Previous
Previous

ALSHABAAB OO WEERAR KA GAYSATAY…

Next
Next

DALKA DENMARK OO XUKUN KU RIDAY…