DARAWALADA TARAAGA OO BANANBAX SAMEEYEY.
(MUUQAALKA)-TARAAK ISWADA.
(MINNEAPOLIS/MNN)-Darawaliinta Soomaalida ee ka shaqeeya adeegyada Uber iyo Lyft ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa walaac weyn waxay ka muujiyeen isticmaalka gawaarida iswada ee adeegyada rakaabka. Darawalada iyo ururada shaqaalaha ayaa sheegay in haddii gawaarida aan darawal lahayn loo oggolaado inay si buuxda u qaadaan rakaabka, ay taasi saameyn ku yeelan karto shaqooyinka kumannaan darawal oo noloshooda ku tiirsan gaadiidka adeegyada Uber iyo Lyft. Doodda ayaa si gaar ah u xoogeysatay kadib markii magaalada Minneapolis ay ka socdeen tijaabooyin ay samaynayso shirkadda Waymo, oo ka shaqaysa tiknoolajiyadda gawaarida iswada. Hindise sharciyeedka looga doodayo magaalada ayaa dhigaya in gawaarida iswada ee loo adeegsado adeegyada ganacsiga ay yeeshaan darawal ruqsad haysta oo awood u leh inuu la wareego gaariga marka loo baahdo. Taageerayaasha hindisaha ayaa ku doodaya in shuruuddan ay muhiim u tahay ilaalinta shaqooyinka darawalada iyo kor u qaadista badbaadada waddooyinka, halka shirkadda Waymo ay ka soo horjeeddo shuruudaha noocaas ah. Mid ka mid ah darawalada Soomaalida ee kulanka ka hadlay ayaa sheegay in darawalada maanta ay qayb ka yihiin dhaqaalaha magaalada, ayna bixiyaan adeeg muhiim ah oo ay qoysaskoodu ku tiirsan yihiin. Wuxuu sheegay in darawalada ay la kulmaan xaalado adag, oo ay ku jiraan shilalka iyo kharashaadka la xiriira shaqada, balse haddana ay shaqadoodu dhaqaale u soo saarto qoysas badan. Darawalada ayaa sidoo kale sheegay in arrintu aysan ku koobnayn Uber iyo Lyft oo keliya, balse ay mustaqbalka saameyn ku yeelan karto shaqooyin kale haddii tiknoolajiyadda gawaarida iswada si weyn loo adeegsado. Jamal Cismaan, oo laga soo doortay mid ka mid ah xaafadaha Minneapolis, ayaa sheegay in arrintan ay si gaar ah u saameyn karto darawalada tirada badan ee magaalada. Wuxuu sheegay in haddii gawaarida iswada loo oggolaado inay si buuxda u qabtaan shaqada darawalada, ay meesha ka bixi karto baahida loo qabo kumannaan qof oo shaqadan ku tiirsan. “Waxaan ka hortagaynaa kumannaan iyo kumannaan qof oo wajihi kara shaqo la’aan,” ayuu yiri, isagoo tilmaamay in darawalo badan ay shaqadooda uga tiirsan yihiin nolosha qoysaskooda. Waymo weli si buuxda ugama aysan bilaabin Minneapolis adeegga rakaab oo aan darawal lahayn, balse shirkaddu waxay magaalada ka waddaa tijaabooyin la xiriira gawaarida iswada. Arrintan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah bulshada Soomaalida ee Minnesota, maadaama Soomaali badan ay ka shaqeeyaan adeegyada gaadiidka sida Uber iyo Lyft. Doodda ku saabsan hindisaha ayaa la filayaa inay sii socoto toddobaadyada soo socda, iyadoo golaha magaalada uu ka arrinsanayo shuruudaha lagu maamulayo gawaarida iswada iyo sida ay uga qayb qaadan karaan adeegyada gaadiidka dadweynaha.
ISHA-HOL.