DARAWAL SOMALI-AMERICAN AH OO LA DHIBAATEEYEY.

(MUUQAALKA)-DHIBANAHA.

(HOPKINS/MNN)-BREAKING NEWS:-"Dambi nacayb oo dhab ah": Darawal Soomaali Mareykan ah oo ku shaqeysto Uber ayaa u baxay inuu u soo shaqeeyo naftiisa iyo tan qoyskiisa, balse la kulmay weerar naxariis darro ah. Dhibane Maxamed Yuusuf wuxuu u baxay shaqada Uber isagoo doonaayo inuu soo helo masruufka reerkiiska subaxnimadii hore ee Sabtida shalay ahayd. Saacado ka dib, samatabbixiyeyaashu waxa ey Maxamed ka heleen god ka dib markii rakaab soo raacay gaarigiisa uu si xun garaacay muddo dhowr jeer uuna jiirsiiyay gaarigiisa sida ay sheegeen qoyskiisa. Hadda waxa uu Maxamed ku jiraa miyir-beel, isagoo u dagaallamaya/raadinaayo quudinta Qoyskiisa iyo naftiisa. Maxamed Qoyskiisa ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay Hopkins, Minnesota, waxa uu Maxamed weerarka kaga jabay lugihiisa iyo feerihiisa, labada sambabadoodna waa ay burbureen, laf-dhabartiisana waa ay dhaawacantay, dhiig-bax gudaha ahna waa uu sababay. Samatabbixiyayaashu waxay ka heleen meel ku dhow hal mayl goobta lagu tuuray. Ehelada Maxamed ayaa sheegaya in rakaabku uu weydiiyey Maxamed magaciisa, kuna yiri waa Maxamed, ka dibna rakaabkii uu ku yiri, "Ma jecli magacaas," ka hor inta aysan weerarin. Waxay ugu yeeraan "dambi nacayb dhab ah." Booliska Hopkins waxay sheegeen inay fuliyeen amaro baaritaan oo badan isla markaana ay sii wadaan ururinta caddaymo laakiin weli ma bixin karaan faahfaahinta.

ISHA-THE SOMALI BRIEF.


Previous
Previous

REYSAL WASAARE XAMSE OO BOOQASHO SHAQO KU TEGAY WASAARADDA….

Next
Next

XISBIGA DIMUQARAADIGA MARAYKANKA OO KU HANJABAY BAARITAAN.