DANJIRE KU XIGEENKA UK OO QUUSIYEY AQOONSIGA SOMALILAND.
(SAWIRKA)-LUKE BULLOCK.
(ADDIS ABABA)-Safiir Ku Xigeenka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, Luke Bullock, oo waraysi gaar ah siiyay Addis Standard, ayaa sheegay in dowladiisu anay aqoonsan doonin Somaliland, kadib aqoonsigii Israa'iil siisay Somaliland 26 December 2026. Luke, ayaa sheegay hadda ay ku mashquulsanyihiin sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, isla markaana in hadda Somaliland la aqoonsada ayna caawinayn in xal loo helo dhibaatada Soomaaliya. "Ujeedadayadu waxa weeyaan in aanu taageerno nabadaynta Soomaaliya, waxananu aaminsanahay in aqoonsi caalami ah oo Somaliland la siiya aanu caawinayn ujeedadaa, waxa aanu dhiirigalinaynaa in Muqdisho iyo Hargaysa wadahadlaan" ayuu yidhi Luke. Waxa uu sheegay in xal nabadeed oo ay gaadhaan Somaliland, Soomaaliya iyo Itoobiya ay noqon karto wadada ugu haboon ee lagaga gudbi karo caqabadaha jira, oo dowlada Ingiriisku ay muddo badan qayb ka ahayd dadaalada la doonayo in wax lagaga qabto. Dowlada Ingiriiska oo Somaliland maamuli jirtay muddo 70 sanno ka badan wakhtigii gumaystaha, isla markaana madaxbanaani siisay sannadkii 1960 ayaa kamid ah dowladaha xafiisyada ku leh Hargaysa, isla markaana si dhow ula shaqeeyaa Somaliland, lakiin waxay marar badan sheegtay in hadda anay diyaar u ahayn in ay aqoonsato Somaliland. Raysal-wasaarihii hore ee Ahmet Davutoğlu oo dhawaan waraysi bixiyay ayaa sheegay in Ingiriisku uu ugu dhawaa in uu Somaliland aqoonsado sannadkii 2012, aqoonsigaas oo uu isagu hor istaagay. "Waxa aan joojiyay qorshe uu Ingiriisku dabada ka riixayay oo lagu doonayay in Midowga Yurub ku aqoonsado Somaliland" ayuu yidhi. Waxa uu xusay in Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Ingiriiska William Hague uu dalalka Yurub ku qancinayay aqoonsiga Somaliland maadaama ay ahayd meel deggan oo dimuqraadi ah xilli Soomaaliya ay ku jirtay qalalaase iyo dowlad-la’aan, balse Davutoğlu uu ku dooday in tallaabadaasi wiiqi doonto dadaallada Turkiga ee dib u dhiska Soomaaliya, isla markaana ay albaab u furi karto in la aqoonsado Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Cyprus. Dowlada Ingiriiska ayaa markasta ku celcelisa in Muqdisho iyo Hargaysa wadahadlaan, iyada oo martigalisay wadahadaladii ugu horeeyay ee labada dhinac ay ku yeeshaan London sannadkii 2012, halkaas oo ay ka dhasheen wadahadalo aan heshiis rasmi ah horseedin oo muddo dheer socday. Warbaahinta qaaday Waraysigaan ee Addis Standard(AS) waa loo diiday in loo cusbooneysiiyo heshiiskii ey kula jirta Dawaladda Itoobiya ee ahaa iney tahay Warbaahin Madax Banaan ee khadla Internet-ka kana hawlgasha dalka Itoobiya.
ISAH-HOL.