DANJIRE JIBRIIL OO XAFIISKIISA KU QAABILAY KU-XIGEENKA SAFIIRKA MARAYKANKA EE SOOMAALIYA.
(MUUQAALKA)-DANJIRE JIBRIL IYO ANNE RUTH.
(NAIROBI/KENYA)-Diblomaasi sare oo Mareykan ah ayaa wadahadallo la yeeshay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Md.Jibriil, wada hadalka ayaa ku saabsan xiriirka labada dhinac iyo taageerada Washington ee dadaallada amniga ee Soomaaliya, oo ay ku jirto dagaalka ka dhanka ah AL-Shabaab. Ruth Anne Stevens Klitz, Ku-xigeenka iyo Ku-simaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa booqatay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, halkaas oo ay kula kulantay Danjire Jabriil Ibrahim Abdulle. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray taageerada Mareykanka ee ciidamada amniga Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Booqashadan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya ay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo hay'adaha amniga iyo ballaarinta awooddeeda hoggaaminta howlgallada milatari ee ka dhanka ah AL-Shabaab, iyadoo la ilaalinayo iskaashiga amniga ee ay la leedahay xulafada caalamiga ah. Labada mas'uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay danaha wadaagga ah iyo siyaabaha loo xoojin karo iskaashiga diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Washington. Booqashadan ayaa hoosta ka xariiqaysa xiriirka sii socda ee Mareykanka uu la leeyahay Soomaaliya xilli iskaashiga amnigu uu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah xiriirka labada dhina.
ISHA-GJ.