DALKA JARMALKA OO KU DHEGAN DALKA ISUTAGA IMAARAATKA,SABABTA?

(MUUQAALKA)-JARMALKA IYO UAE.

(BERLIN/GERMANY)-Hayadda u dooda Xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW) ayaa ku boorisay hoggaamiyeyaasha Jarmalka inay si cad uga hadlaan taageerada la sheegay ee Imaaraadka Carabta uu u fidiyo Ciidamada Taageerada Deg degga ah ee Suudaan (RSF) iyo diiwaankeeda xuquuqda aadanaha ee gudaha ka hor booqashada Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed AL Nahyan ee Berlin 10-ka Sebtembar 2026. War-saxaafadeed ay soo saartay maanta oo ah 8-dii Sebtembar, HRW waxay ku sheegtay in Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz , Madaxweyne Frank-Walter Steinmeier iyo mas'uuliyiin kale oo sare ay tahay inay walaac ka muujiyaan doorka la sheegay ee Imaaraadka Carabta ee xadgudubyada la geystay intii lagu jiray colaadda Suudaan, taasoo soo bilaabtay Abriil 2023. HRW waxay soo xigatay warbixin Hawlgalka Xaqiiqo-raadinta UN oo la daabacay 1-dii Sebtembar, taasoo ey diiwaangelisay shabakado la sheegay iney xiriir la,leedahay Imaaraadka Carabta oo ku lug lahaa qorista, maalgelinta iyo rarista qandaraaslayaasha militariga shisheeye iyo bixinta taageero la xiriirta militariga oo ka faa'iideysanaya RSF. Imaaraadka Carabta ayaa beeniyay eedeymaha. Kooxda xuquuqda ayaa sidoo kale tixraacday natiijooyinkii bishii Maajo 2026 ee ahaa in Kooxda Adeegyada Amniga Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Abu Dhabi ay shaqaaleysiisay boqolaal qandaraasleyaal militari oo gaar loo leeyahay oo Colombiyan ah kuwaas oo loo diray inay ka barbar dagaalamaan RSF ee Suudaan. HRW waxay sheegtay in qandaraasleyaashu ay joogeen EL Fasher markii RSF ay qabsatay caasimadda Waqooyiga Darfur bishii Oktoobar 2025 iyadoo ay jiraan xasuuq baahsan. HRW waxay ugu baaqday Jarmalka iyo dowladaha kale ee EU inay baaraan shirkadda iyo madaxa shirkadda, Moxamed Xamdan AL-Zaabi, oo ay tixgeliyaan cunaqabataynta bartilmaameedsan. Waxay sidoo kale ku boorrisay cunaqabateynta hubka ee Midowga Yurub oo dhan ee saaran Imaaraadka Carabta sababo la xiriira kaalmada la sheegay inay siiso RSF. Kooxdu waxay sidoo kale ku eedeysay Imaaraadka Carabta inay caburinayaan mucaaradka isla markaana ay xirayaan dhaleeceeyayaasha, oo ay ku jiraan difaacaha caanka ah ee xuquuqda aadanaha Axmed Mansoor. HRW waxay ka digtay in dadaallada Jarmalka ee lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale iyo amniga ee Imaaraadka Carabta aysan dabooli doonin walaacyada xuquuqda aadanaha.

ISHA-AS.

Previous
Previous

KENYA OO CAFIS U FIDISAY MAWAADINIINTA KA SOO JEEDA BARIGA AFRIKA.

Next
Next

FARANSIISKA IYO KANADA OO KU BIIRAY SIYAASADDA INGIRIISKA EE DHULKA FALASTIIN.