DALKA ISUTAGA IMAARAATKA CARABTA OO XAFIISKA BURBURINTA SOOMAALIYA KA FURTAY KENYA.

(MUUQAALKA)-WM-IMAARAATKA.

(NAIROBI/KENYA)-Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta(UAE) ayaa xafiis ka furtay Magaalada Nairobi, kaas oo ka shaqaynaya arrimo ka dhan ah Soomaaliya, gaar ahaan kuwa halis ku ah amniga dalka iyo muwaadiniinta sida abaabulka dagaallo qabiil, hubaynta dhinacyada dowladda ka soo horjeeda, maalgelinta dhaqdhaqaaqyada hubaysan ee awoodda dowladda wiiqaya iyo faafinta dacaayado lagu sumcad-dilayo Soomaaliya, Caasimadda Dalka ee Muqdisho iyo Madaxda Dalka. Sarkaal ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Mustaqbal Media u xaqiijiyay in xafiiskani xoogga saaray arrimahaas ka dhanka ah dalka wixii ka dambeeyay markii ay Dowladdu baabi’isay heshiisyadii kala duwanaa ee ka dhexeeyay labada dal Waa Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta isla markaana uu hoos ay u dhigtay cilaaqaadkooda. Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u soo celisay cilaaqaadka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ay goysay dowladdii tan ka horreysay. Markii lagu guuleystay soo celinta xiriirka, waxa uu Imaaraatku xoogga saaray tababarrada ciidamada, isaga oo xoojiyay xiriirka tooska ah ee uu la leeyahay dowlad-goboleedyada, arrintaas oo ay Dowladda Soomaaliya u aragto mid wiiqaysa dowladnimada, jebinaysana dastuurka dalka. Sida uu xaqiijiyay sarkaalka la hadlay Mustaqbal Media, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaad 10 jeer booqday Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kahor inta uusan markale go’in cilaaqaadku, isaga oo ku dadaalayay in labada dal ay yeeshaan xiriir ixtiraamaya dowladnimada, marayana marinnada dibromaasiyadeed ee sharciga ah. Soomaaliya ayaa 12kii Janaayo 2026 baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay kula jirtay Isutagga Imaaraatka Carabta, kaddib markii ay ku eedaysay dowladda dalkaas in ay halis ku tahay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, qeybna ka tahay dadaallada loogu jiro kala qeybinta dalka. Go’aanka baabi’inta heshiisyada ayaa ku soo beegmay markii Israa’iil oo xulafo la ah Imaaraadka ay u aqoonsatay qeyb ka mid ah gobollada waqooyi ee Soomaaliya dal ka madaxbannaan Dalka intiisa kale, gobolkaas oo ay samayn weyn ku leedahay Imaaraadku. Sidoo kale, waxa uu go’aanku ku soo beegmay xilli ay diyaarad ay leedahay Dowladda Imaaraadku si sharci darro ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho uga tahriibisay hoggaamiyihii gooni-u-goosadka ahaa ee dalka Yemen, Caydaruus Al-Zubaydi, oo looga adkaaday dagaal uu la galay dowladda sharciga ah ee Yemen oo taageero ka helaysa Dowladda Sucuudiga. Sarkaalka oo aan waydiinnay sababta ay Imaaraadku u doorteen in ay Muqdisho soo mariyaan hoggaamiyaha gooni-u-goosadka Yemen iyaga oo awooda in ay toos uga duuliyaan madaarka Berbera oo gacanta ugu jira, waxa uu ku fasiray in Imaaraadku rabay in uu isku diro Soomaaliya iyo Sucuudiga sidaasina uu ku kala jaro cilaaqaadka ka dhaxeeya. Xogaha uu sarkaalkani la wadaagay Mustaqbal Media ayaa ku soo beegmaya xilli ay dalka Kenya ka socoto dacaayad ka dhan ah dadka Soomaalida ah ee u dhashay Kenya iyo Soomaalida kale ee ganacsiga iyo maalgashiga u degan dalkaas, xilli sidoo kale garoomada diyaaradaha Kenya lagu beegsanayo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo leh dhalashada Kenya. Sarkaalkani waxa uu la xiriirinayaa xafiiska Imaaraadka ee ka furan Kenya in uu ku lug leeyahay xaaladda ka taagan dalkaas ee ku wajahan Soomaalida, dacaayadda joogtada ah ee ku wajahan amniga Muqdisho, buunbuurinta loo samaynayo AS, maalgelinta dhinacyada la dagaallama Dowladda Soomaaliya iyo qeyb ka mid ah khilaafyada la xallin waayay ee u dhexeeya Dowladda Dhexe, qeybo ka mid ah maamul-goboleedyada iyo mucaaradka. Si kastaba, ka dib markii uu go’ay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatku, waxaa muuqata in dalkaas uu xoogga saaray dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Kenya oo uu ka furtay xafiiskan ka shaqeeya arrimaha ka dhanka ah Soomaaliya halka Itoobiya uu ka hirgeliyay mashaariic dhaqaale badan uu ku bixiyay.

ISHA-MM.

Previous
Previous

QIIMAHA LAGU IIBSADO DHUXUSHA OO MUQDISHO KOR U KACAY.

Next
Next

LABA DUMAR AH AYAA LAGU QABTAY GAROONKA JKIA IYAGO TAHRIBINAYO DAHAB DHAN 658-GRAM.